Ma La odhan karaa Fursad muhiim u ahayd Proff Samater ayuu ka lumiyey Madaxweyne Biixi…


Spread the love
cashar noocee ah ayuuse ka baran karaa Fashilkii Hiil Qaran

Axmed Ismaaciil Samater oo ah Aqoonyahan si weyn loogu ixtiraamo dhinaca
aqoonta, ayaa soo galay siyaasadda Soomaalida horaantii 2010-kii, markaa oo uu
aad u danaynayey inuu qayb ka noqdo Siyaasaddii Somalia iyo arrimihii
doorashooyinka ee wakhtigaasi ka taagnaa Somalia.

 

Waxa uu noqday oo uu Guddoomiyaha Urur siyaasaddeedkii Hiil qaran ee ka
jiray Somalia, kaas oo ay bahoobeen Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin reer Somalia
ah.

 

Axmed Ismaaciil Samater, waxa uu noqday Murrashax u tartamay Xilka
Madaxweynenimo ee Somalia, waxaanu olole xooggaan u galay sidii uu noqon lahaa
Madaxweynaha Somalia ee doorashadii 2012-kii, balse weji gabax ayuu kala kulmay
doorashadaasi markii uu helay 8 cod oo keliya.

 

Proff. Samater ayaa lagu tilmaamay in weji gabaxaas ay sababa u ahayd in
aanu odorosin nidaam siyaasaddeed ee Somalia ka jiray wakhtigaasi iyo duruufaha
taagnaa amma Somalia ku dhaqanto ee habka awood qaybsiga. Inkasta oo uu ku
ololeeyey qodob saldhig u ahaa waxqabad uu doonayey inuu sameeyey, haddii la
doorto, balse taasi waxa ka xoog weynaa dhaqanka siyaasaddeed ee ka jira
Somalia iyo qaab doorashadooda ah mida dadban.

 

Ka dib guul daradii siyaasaddeed ee ka soo gaadhay Samater Muqdisho, waxa
uu go’aansatay inuu ka laabto mowqifkiisii siyaasaddeed ee uu muddada dheer ku
ololaynayey ee ahaa Somaliweyn iyo aragtiisii uu kaga soo horjeeday madax bannaanida Somaliland.

 

2013-dii ayuu dib ugu soo laabtay Axmed Ismaaciil Samater Somaliland,
iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ee
dalka, isaga oo wakhtiyadaas si weyn uga hadli jiray aqoonta iyo waxyaabihii uu
Somalia kala soo kulmay iyo sida halkaas aanay uga jirin wax wada lahaansho.

 

Badhtamihii 2016-kii ayuu si rasmi ah u shaaciyey inuu soo galay
siyaasadda Somaliland, ka dib muddo saddex sanno ku sinaa oo uu sheegayey inuu
saddexda Xisbi qiimeynayo midkoodna ku biirayo, waxaanu aakhirkii sheegay inuu
Kulmiye ku qancay siyaasaddiisa iyo murrashaxiisii wakhtigaasi Muuse Biixi
Cabdi “Markaan hufay waxaan gartay in kulmiye yahay meel aan fadhiisan karo”
Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samater, oo markaas toos cagaha ula soo galay
siyaasadda Somaliland, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaannu
ku heshiinay wada yeelashada xisbiga iyo xukuumadda la dhisayo marka la
guulaysto”

 

Intaas wixii ka dambeeyey waxa uu si weyn ugu ololeynayey in la doorto
Murrashaxii Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi ahna imika Madaxweynaha Somaliland,
isaga oo qayb libaax leh ka qaatay Barnaamijkii Kulmiye ku galay doorashadii
2017-kii.

 

Axmed Ismaaciil Samater, ayaa si lama filaan ah iskaga dhex waayey
Xukuumaddii u horreysay ee uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ka
mid ahaa Xubnihii la saadaalinayey inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirrada, balse
taasi ma dhicin. Inkasta oo Wasaaraddo la sheegay inuu danaynayey in loo
magacaabo loo sheegay in aan loo hayn, kuwii loo soo jeediyeyna ka cudur
daartay.

 

Fursadan ka luntay ee uu kaga mid noqon waayey Golihii Wasiirada ee
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dadka ka faalooda arrimaha Siyaasaddu  tilmaamaan in ay  u ahaan lahayd mid laga tijaabin lahaa
hoggaamintiisa iyo kartidada inta badan uu sheegay in looga baahan yahay
siyaasiga Soomaaliga ah.

 

Sidoo kale, haddii uu fursadan heli lahaa waxa la sheegaa inuu wax badan
ka baran lahaa, isla markaana fahan badan uu ka qaadan lahaa hab-dhaqanka
siyaasaddeed ee Somaliland ka jira.

 

Waxa kale oo fursadani u siin lahayd Madaxweyne Biixi, haddii isfaham iyo
wada shaqeyn dhex mari lahayd in Xisbiga Kulmiye hoggaankiisa inuu ka mid noqdo
uu kala shaqayn lahaa

 

Dhawaan ayuu Proff. Samater Hargeysa kaga dhawaaqay Urur-siyaasaddeed
cusub oo Hilaac la yidhaahdo, kaas oo ka mid ah Ururrada Siyaasadda ee
muddooyinkan dambe lagaga dhawaaqayey Somaliland.

 

Axmed Ismaaciil Samater, ayaa ururkiisani la kulmi karaa duruufo la mid
ah kuwii uu kala kulmay Ururkii uu guddoomiyaha ka ahaa ee Muqdisho ka jiray ee
Hiil Qaran, inkasta oo Somaliland ay si weyn uga duwan tahay Somalia, oo ay
tahay waddan ay ka dhacaan doorashooyin toos ah oo shacabku qofka ay doonayaan
doortaan, haddana nidaamka deegaamaysigu waa mid inta badan Xisbiyadu ku
aasaasan yihiin, Ururraduna ku aasaasi karaan in ay guullo u gaadhaan.

 

Saleban Saxansaxo


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments