Ma ogtahay inay ADDIS-ABABA Balay ka cabto?


Spread the love
W/Q: Abdikarim Herzi Seefta-dibada

Gacale-yaalow,  bari baa odey beero lay ahaa, intuu aroortii
hore, meeraray dibidiisii ayuu si hagar la’aan ah u qodey beertii, casarkii
markuu dibidii ka furay harqood kii, ayaa siduu eebe ka filaayay cirkii daruuro
isa soo xidhay dhan walba. Wuxuu kolba cirka eego, oo isha la raaco,  hogol meel kale ka onkoday, ayuu raagsaday
dhibicii roobka.  Waxa is qabsaday
onkodka afarta jihoba, balse isaga iyo beertiisii wali daruurta dul joogtaa,  onkod daaye, xafiif may dihan.  Intuu is haysan waayay ayuu mar qudha isagoo
faraha ugu hanjabaaya ku yidhi daruurtii, ” daruuryahay waa qayrkaa waxaa
danabka iyo hilaaca isu daraye, adigu ma mid abeera baad tahay “.

Hadaba Addis oo ay ku
nool yihiin 5 millions oo qof in ka badan ayaa biyo xidheen ka cabtee, inaga
waa talo xumo waxaynu xumbo wayne uga haqab beeli waynay biyihiisa.

Addis-Ababa waxaa
berito xadhiga laga jarayaa mashruuc biyo ah oo maalintii soo saari doona
siddeetan iyo lix kun (86,000) oo Meter Cubic-ah.

Mashruucan waxaa ku
baxday 4.2 Bilyan oo Birr, oo u dhiganta $ 52,500,000 dollar waxaana kharashka
bixiyay maamulka Magaalada Addis Ababa

Mashruucan oo kamid
noqon doona mashaaricda ugu waawayn ayaa waxaa ka faa’idaysan doona bulsho ku
dhaw 5 millions.

Addis ababa waxay
cabta biyaha xareeda ee roobka taas oo laga aruuriyay biyo laba doox oo Sanadki
soo rogmada.

Imisa doox baa inaga
biyahoodu bada uun ku daraan oon koob cidi ka darin?

@Seefta-Dibada


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments