Ma qabtaa cudurkan “ku dhacay inta badan dadka Soomaaliya?”


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty Images6 Saacadood ka horKhubarada dhinaca dhimirka ayaa aaminsan in dagaalladii sokeeye ee soo maray Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen caafimaadka maskaxda ee dad badan, welina ay jirto saameyntaas.Haddaba, waa noocee cudurrada dhimirka ee badanaa Soomaalida ku dhaca? Waxaan kala hadalnay dhakhaatiir aqoon durugsan u leh xanuunnada dhimirka. Sidoo kale waxaan eegeynaa soddon sano ka dib, xaaladda daryeel ee caafimaadka dhimirka Soomaaliya xaggee bay maraysaa?Bulshooyinka caalamka qaarkood ayaa sida Soomaaliya la dhibtooda cudurrada dhimirka, inkasta oo ay kala duwan yihiin qaababka ay u saameeyaan iyo waxa bulsho walba u keena cudurradaas. Badanaa, cudurrada dhimirka ayaa shakhsi shakhsi u saameeya dadka adduunka, balse, waxaa sidoo kale jira, in bulshooyinka qaar ay si guud ahaan u wada qaadaan cudurrada dhimirka haddii ay la kulmaan dhibaatooyin guud ahaan u wada saameeya. Dhibaatooyinka noocaas ah ayaa waxaa ka mid ah musiibooyinka iyo dagaallada hubeysan. Cudurrada dhimirka ee ka jira Soomaaliya ayaa waxaa la sheegaa in ay salka ku hayaan ama ay sababeen dagaalladii sokeeye ee soo maray Soomaaliya kuwaas oo weli ay saameyntooda jirto. Haddii aan is weydiinno su’aasha ah, dhibaatooyinka cudurrada dhimirka ee baaxadda weyn leh Soomaaliya maka soo kabsan kartaa? Jawaabta waxaan ka heli karnaa in aan eegno wixii u suurto galay bulshooyinka sida Soomaaliya soo maray dhibaatooyinka cudurrada dhimirka.Dalka Rwanda oo deris la ah waddamada ku yaalla bariga qaaradda Afrika ayaa soo maray dhibaatooyin dagaal sokeeye oo ka mid noqday kuwii ugu saamaynta badnaa dunida muddooyinkii ugu dambeeyay. Dalkan ayaa shacabkiisu aad ula il darnaa cudurrada dhimirka ee ka dhasha dagaallada. Palmer iyo Firmin qoraal ay ku daabaceen joornaalka (International Psychiatry) ayaa waxay ku muujiyeen dadaalka dheer ay dowladda Rwanda u martay in ay wax ka qabato cudurrada dhimirka ee saameeyay shacabkeeda. Waxay yiraahdeen, “Dowladda Rwanda waxay abuurtay adeegga la talinta cilmu-nafsiga bulshada (Psychosocial consultation service) oo ay ka hirgelisay caasimadda Kigali, kaas oo u shaqeynayay dhammaan bulshada reer Rwanda. Waxaa la doortay in dadka loo bandhigo adeeg shakhsi walba inta uu u baahan yahay caawiya.” Waxay sidoo kale sheegeen in boqolkiiba boqol kharashka daweeynta ee dadka dhaqaalahoodu hooseeyo uu bixinayay caymis caafimaad oo bulshadu leedahay. Waxaa sidoo kale la abuuray ururada bulshada oo si gaar ah uga shaqeeynayay daryeelka caafimaadka dhimirka. “Waxaa xoogga la saaray soo saaridda xirfadleyaal bartay cudurrada dhimirka, kuwaas oo lagu tababaray machadyo iyo jaamacado ku yaalla dalka Rwanda.”“Waxaa kale oo la sameeyay adeegyo dadka loogu geeynayo meelaha ah joogaan sida guryahooda.” Waxaa sidaa yiri Palmer iyo Firmin. Xigashada Sawirka, Getty ImagesDowladda Rwanda ayaa aad ugu dadaashay in ay adeegga caafimaadka dhimirka ah ay gaarsiisoo dhammaan bulshada reer Rwanda. Wixii u qabsoomay dowladda Rwanda ayaa muhiim u ah in ay Soomaaliya wax ka barato.Waxaan waraysi kooban la yeeshay Diktoor Axmad Jaamac Shidane oo ku takhasusay cudurrada dhimirka, ahna agaasimaha ururka caafimaadka dhimirka Soomaaliyeed, sidoo kalena ka howl gala xarunta daryeelka caafimaadka dhimirka ee Rajo oo ku taalla magaalada Muqdisho. Waxaan weydiiyay xaaladda adeegga caafimaadka dhimirka ee waddanka ka jirta, wuxuuna ii sheegay in xaaladda daryeelka caafimaadka dhimirka ee ka jirta dalka ay “liidato”. Dr Axmad ayaa sidoo kale ii sharraxay sababta ay xaaladda daryeel ee dalka u liidato. Wuxuu yiri, “ Waxaa yar amaba jirin culumadii caafimaadka dhimirka oo Soomaali badani ma barato, waxaa sidoo kale yar xarumaha lagu daweeyo cudurrada dhimirka, hal ama laba oo si gaar ah loo leeyahay ayaa jiraan. Dowladduna ma siiso wax mudnaan ah.”Wuxuu sidoo kale ii sheegay daryeellada yar ee ka jira dalka in badanaa laga helo magaallooyinka waawayn keliya. Waxaan Dr Axmad weydiiyay cudurrada dhimirka ah ee badanaa ku dhaca dadka Soomaaliyeed balse aysan wax aqoon ah u lahayn. Wuxuu ii sheegay in badanaa dadka Soomaaliyeed aysan fahamsanayn cudurrada dhimirka ku dhaca; “Dadku waxay cudurrada dhimirka ka aaminsan yihiin waxyaallo khuraafaad ah”“Cudurradan ayaa ah kala ah kuwa adag oo qofka u diidaya in uu bulshada la dhex joogo, kuwana qofku waa la noolaan karaa oo wuxuu la dhex joogaa bulshada. Waxaa halkaas ka jirta aqoon darri ku aaddan cudurradan. Waxay la tashi ugu aadaan dhakhaatiirta aan takhasuska u lahayn cudurradan, waxayna ka aamiinaan in ay yihiin jinni ama il qofka ku dhacday.”Wuxuu ii sheegay in dalka aanan laga samaynin xog aruurin rasmi ah oo sheegi karta cudurrada ugu badan ee dadka ku dhaca ama kala bixin karta noocyada cudurrada dhimirka ah iyo sida ay ugu kala badan yihiin dadka Soomaaliyeed. Balse wuxuu ii tilmaamay dhowr ka mid ah cudurrada dhimirka badanaa ku dhaca Soomaalida. Wuxuu ii sheegay xanuunka ugu badan ee ay la kulmaan uu yahay kan ka dhasha dagaallada oo loo yaqaanno post-traumatic stress disorder (PTSD) oo ah xanuun dhimir oo ka dhasha dadku markay la kulmaan arrimo arggagax naftooda geliya oo noqda mid uur ku taal ah. “Kuwa uur kutaallada ah oo ka dhasha dagaallada ayaa saameeya Soomaali badan, waxaa sidoo kale dadka ku dhaca cudurka qulub ama niyad jabka (Depression) iyo kuwa ka dhasha balwadda.”Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu yiri, “Waxaa sidoo kale Soomaalida ku dhaca cudurrada dhimirka kale sida xanuunka welwelka (Anxiety disorder) iyo xanuunka waswaaska (Obsessive compulsive disorder) oo ah xanuunno iyagana aad ugu dhaca dad badan oo Soomaali ah.”Xigashada Sawirka, Getty ImagesWaxaan sidoo kale weydiiyay Diktoor Axmad Jaamac, haddii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan dadka qaba cudurrada dhimirka gaar ahaan dhibaatooyinka la xiriira ceebeynta ama waxa ay Soomaalida u taqaanno shaabadaynta. Wuxuu ii sheegay in ay dhibaatooyinka ceebeynta ay aad u jiraan, ayna sababaan in bukaanno badani ay heli waayaan adeeggii caafimaad. “Ceebeynta waxay sababtaa in qofka xanuunka qaba (gaar ahaan qofka fahma xanuunka dhimirka inuu hayo) uu ka cabsado in uu sheego, sidoo kale, dadka daryeella bukaannada waa ay qariyaan ama guriga ayay kusoo xiraan dadkii jiranaa iyaga oo ka baqaya in lagu shaabadeeyo oo ay wajahaan ceebeynta bulshada.” Waxaa kale uu ii sheegay ceebeynta in ay xittaa saameyso dadkii ka shaqayn lahaa caafimaadka dhimirka. “Waxaa dhacda dhakhaatiir baran lahayd cudurrada dhimirka in ay iska daayaan ama uga wareegtaan barashadiisa ceebeynta la xiriirta awgeed.”Waxaan Dr Axmad si gaar ah u weydiiyay saamaynta cudurrada dhimirka ay ku leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.Wuxuu ii sheegay in ay dhalinyarada aad ula dhibaatoodaan cudurrada dhimirka. “Waagii hore da’da ay cudurradaan ku bilaaban jireen ayaa ku aaddanayd markii ay dadku kasii baxayaan da’da dhalinyaranimada, balse hadda, waxaaba la arkaa xittaa caruur la dhibaatoonaysa cudurrada dhimirka.” Diktoor Axmad wuxuu ii sheegay in dhalinyarada ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameeyaan cudurrada dhimirka. “Waxaa dhalinyarada aad u saameeya cudurrada dhimirka kala ah uur kutaallada (PTSD) oo ka dhasha dagaallada iyo kuwa la xiriira ama ka dhasha balwadda”Sida uu inoo sheegay Diktoor Axmad Jaamac, waxaa liita adeegga caafimaad ee cudurrada dhimirka. Sidaa darteed, dhakhaatiirta baratay cudurrada dhimirka oo isu yimid ayaa bilaabay howl-gallo wacyi gelin iyo baraarujin bulsho, waxayna horraantii bishii hore ee Oktoobar daah fureen ururka caafimaadka dhimirka ee Soomaaliyeed (Somali Mental Health Association). Diktoor Axmad Jaamac oo agaasime ka ah ururkan ayaa wuxuu ii sheegay in daahfurka keliya uu ahaa xafladdii bishii hore balse uu ururka shaqeeynaayay muddo ku dhow saddex sano.  Wuxuu yiri, “Ururkan waxaa isugu yimid dad leh xirfado kala duwan iyo kuwa leh takhasus xirfadaha la xiriira caafimaadka dhimirka. Ujeeddadana waxay ahayd in xirfadleyaasha cudurrada dhimirka ay is bartaan ama is arkaan, ka dibna in laga caawiyo ummadda Soomaaliyeed xanuunada ka dhasha markii ay dhibaatooyin dhacaan iyo dhammaan baahiyaha la xiriira cudurrada dhimirka ee bulshada Soomaaliyeed.’’


Like it? Share with your friends!