Ma waxaa la joogaa waqtigii laga maarmi lahaa taangiyada dagaalka?


Spread the love
Taangiyo Ruushka laga gubay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sawirrada dabaabadaha uu leeyahay Ruushka ee lagu gubay ama ku burburay colaadda Ukraine ayaa lagu sheegay kuwo tilmaan ka bixinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Waxaa ka dhashay su’aal ah in hubka casriga ah ee lagula dagaallamo taangiyada uu wiiqay awoodda ay dabaabadaha ku leeyihiin furimaha dagaalka.

Ruushka ayaa duullaankiisa Ukraine u adeegsaday dabaabaadka nooca loo yaqaan T-72 ee la sameeyay xilligii uu jiray Midowgii Soofiyeet. Waxaa taangiyada jab xooggan gaarsiiyay ciidamada Ukraine oo ku hubaysan gantaallada garabka laga rido ee Javelin, diyaaradaha drones-ka iyo madaafiicda casriga ah ee Nlaws.

“Waa in aan si sax ah u fahanno waxa ka qaldan dabaabaadka aan ka hadlayno, oo ah kuwo aan si munaasab ah loo adeegsan, aan lahayn ciidan difaaca, sidaa darteedna ah kuwo si sahlan ay u beegsan karaan ciidamada iska caabinta wada ee Ukraine,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Ben Hodges oo taliye u ahaa ciidamada lugta ee Maraykanka ka jooga Yurub.

Waxaa fekerkaas la qaba Sarreeye Guuto Ben Barry oo ka mid ahaa ciidamada Britain, haatanna la shaqeeya xarunta Institute for Strategic Studies.

“Guuldarradii uu Ruushku kala kulmay duullaankiisii Kyiv ayaa muujinaysa waxa dhaca marka dabaabaadka ay adeegsadaan ciidamo aan isku wadi karin xeeladaha kala duwan ee dagaalka (ciidan ku duula lug, madaafiicda goobta iyo diyaaradaha dagaalka), isla markaana uu ka xun yahay saadka,” ayuu jiri jananka.

Wejigii hore ee dagaalka Ukraine, hubka lidka taangiyada ee Maraykanka, Britain iyo dalalka kale ay siiyeen xukuumadda Kyiv ayaa wax badan ka beddelay dagaalka, waxaana ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee Ruushka laga riixay caasimadda oo ay kaabiga ku haayeen.

Ruushka ayaa wejiga labaad ee duullaanka xoogga saaray adeegsiga madaafiicda goobta si uu u qabsado gobolka Donbas, waxaana uu ka gaaray guul la taaban karo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tan iyo billowgii sanadkan, Ruushka ayaa lumiyay in ka badan 700 oo taangi. Qaarkood waxa ay ku burbureen dagaalka, halka kuwo kalena looga cararay jiidaha dagaalka.

Diyaaradaha drones-ka iyo hubka lidka taangiyada ee Ukraine ay ka heshay waddamada Galbeedka ayaa u sahlay inay burburiso tiro intaa dhan oo dabaabaad ah.

“Dagaalkan waxaa kaalin muuqata ka qaatay diyaaradaha drones-ka. Waxaan ka barannay in drones-ka loo adeegsan karo qaab difaac ah,” ayuu yiri jeneraal Barry. 

Israa’iil oo taangiyo looga gubay dagaalkii ay Xisbullaah la gashay sanadkii 2006 ayaa hindistay qalab dabaabaadka ka difaaci kara gantaallada iyo duqeymaha.  

Qalabka oo loo yaqaan Trophy ayaa isticmaala raadaar si uu u garto khatarta ku soo wajahan taangiga, kaddibna waxa uu ku ganaa madaafiic burburisa gantaallada lala beegsaday. Waxa uu noqday qalab ay hadda si weyn u adeegsadaan taangiyada Reer Galbeedka.

“Xeeladaha looga hortagayo diyaaradaha Drones-ka ayaa yareyn doona waxtarkooda, maaddaama hadda ay si aan xaddidaad lahayn u dulmaraan furimaha dagaalka, si fududna ay u beegsadaan bartilmaameedkooda,” ayuu yiri Jeneraal Hodges.

Mustaqbalka dabaabaadka

Jeneraal Hodges ayaa rumaysan in mustaqbalka dhow laga maarmi doono taangiyada hadda la isticmaalo, oo ay beddeli doonaan kuwo aanay cidna wadin oo si sahlan uga gudbi kara furimaha dagaalka, kana waxtar badan noocyada hadda jira.

David Willey oo ka mid ah tababareyaasha ciidamada Britain, dhowaanna booqday askarta Ukraine ee la dagaallamaya Ruushka ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay tayada ciidanka adeegsanaya dabaabaadka.

“Xitaa haddii lagu siiyo dabaabaadka ugu wanaagsan caalamka, balse aanu jirin ciidan si geesinnimo leh ugu dagaallama, kuma guulaysan kartid dagaalka. Waxaa lagama maarmaan ah in ciidanka uu leeyahay sabab uu u dagaallamo, waana taa midda Ukraine u sahashay inay gaarto guulaha la taaban karo,” ayuu yiri Willey.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments