Madaxda G-7 ma waxay shaararka u dhigan rabeen in ay awooddooda tusaan Putin?


Spread the love
Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hoggaamiyeyaasha waddamada warshadaha ku hor maray ee ku bahoobay ururka lagu magacaabo G-7 ayaa ku shiraya Jarmalka, balse markii uu billaabanayay waxaa laga soo tebiyay kaftan hadal-hayn dhaliyay.

Maalintii uu furmayay shirka ee 26-kii bishan June, madaxda ayaa ka wada hadlay dagaalka Ruushka ee Ukraine iyagoo ku dheeraaday xaaladda hadda ka taagan waddanka Ukraine.

Ka hor inta uusan si rasmi ah u furmin shirka waxaa laga hadlay “Sawir jirka muujinaya” oo uu leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Markii uu kulanka madaxda waddamada G-7 furmayay maalintii Axadda, dhammaan hoggaamiyeyaasha waxay fariisteen miis goobo ahaan u samaysan.

Ugu dambayn, Raiisul asaaraha Britain, Boris Johnson ayaa kursigiisa fariistay.

Intii uu salka sii dhigayay, Johnson waxa uu si kaftan ah u waydiiyay madaxdii kale, “in uu jaakadda iska bixiyo iyo in kale? Ma iska siibnaa dharka?”

Hadalkaas marka uu dhahayay Mr Johnson, waxaa goobta ku sugnaa wariyeyaal badan iyo sawir qaadeyaal.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isagoo wariyeyaasha farta ku fiiqaya ayuu Ra’iisul asaaraha UK ku yiri; “Dhammaanteen waa in aan muujinno inaan ka xoog badan nahay, kana adag nahay Putin.”

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, oo sii waday kaftanka Boris Johnson, ayaa yiri: “Waa inaan faras fuulno annagoo xabadka muujinayna…”

Guddoomiyaha Golaha Midowga Yurub ayaa sii raacisay kaftan kale oo tiri: “Haa… aad bay u fiicnaan lahayd inaan faras fuulno.”

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa shaacisay muuqaal ku saabsan hoggaamiyeyaasha oo kaftankaas iswaydaarsanaya.

Sawirro badan oo laga arkayo madaxweynaha Ruushka oo feero qaawan ayaa yaalla meel walba, isagoo mararka qaarna kaxaynaya faras.

Putin ayaa sidoo kale sawirradiisa la heli karaa isagoo aan shaati qabin oo kalluumaysanaya ama dabaalanaya.

Hoggaamiyeyaasha G-7 ayaa maalintii ugu horraysay kulankooda si faahfaahsan uga hadlay sida loo sii go’doomin karo Ruushka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine, waddamo badan oo ka tirsan caalamka ayaa cunaqabataynno kusoo rogay dhaqaalaha Ruushka.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments