Madaxtooyada Oo Shaacisay In Baaritaan Lagu Sameeyay Madaxwayne Xasan Sheekh Laga Waayay COVID-19


Spread the love

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor laga helay xanuunka COVID-19 oo haleelay, xili uu ka yimid Imaaraadka.

Afhayeenka Madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh laga waayay COVID-19, isla markaana xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan.
Wuxuu caddeeyay Afhayeen Cabdikariin Kaar in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu kasoo bogsaday xanuunkii COVID-19 ee haleelay, uuna wato shaqada uu qaranka u haayo, isagoo raacaya tilmaamaha Caafimaad ee kahortega COVID-19.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula hadli doono shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Afhayeenka u mahadceliyay shacabka usoo duceeyay Madaxweynaha.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay xanuunka COVID-19, kadib markii baaritaano lagu sameeyay, xili uu dalka dib ugu soo laabanayay, safarkiisii ugu horreeyay uu Imaaraadka ku tegay tan iyo markii xilka loo doortay.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments