Madaxwayne Biixi Iyo Gobolka Hawd.


Spread the love

W/Q= khalid mohamed ali

 
Madaxwayne muuse
makasoo baxay ballan qaadkii uu u sameyay gobolka hawd?

11/10/2017 oo ku beegnayd
habenkii madaxwayne biixi uugu dabaysay ollalahisii doorasho kuna sugnaa isla
habenkaa gobolka hawd waxa uu bulshada gobolka hawd u ballan qaaday mashariico
kalla duwan oo kalla ahaa kuwan.

1= Wadada isku xidha Hawd
Iyo Hargeisa oo uu ballan qaday dhamaystirkeda hassa ahatee uuna ku darsan 1m.

2= Dhisitaanka Jaamacad
uu yeesho gobolku iyada oo baahi wayn ay u qabeen dhalinyarada gobolku.

3= Dhistaanka xarumaha
wasaradaha kalla duwan ee ka hawl galla gobolka, iyadoo ilaa imika aanu kuso
kordhin hall dhisme wasaradeed.

Hadaba dhamaan balan
qaadyadaa uu madaxwayne biixi balan qaaday may noqon kuwo xataa qaar kamidii
fulleen.Taasoo bulshada gobolka hawd ku keentay niyad jab iyo wallaac aad u
wayn.

MASHARICIHII FASHILMAY
EEN LA ARAG XADHIG KA JARKOODA MOOYE DHAGAX DHIGOODA.

Hadaba shantaa sano ee
madaxwayne biixi xilka hayay waxa miisaniyada qaranka la dajiyay 5 jeer.
Gobolka hawd waxa lagu daray 2 jeer oo min labba mashruuc oo kaliya loogu
daray.

1=2021 garoonka kubada
cagta. Waxaana galay  musuq maasuq dawladuna
kamay hadlin cidii gaysatay musuq maasuqaa ilaa hadana wuu taagan yahay.

2= 2021 baanka gobolka
hawd. isna Waxa uu ku field groobay wajigii labaad ilaa hadana muu dhaafin
dayr.

3= 2022 dhaam biyood.
illa wakhtigan may bilaabin shirakadii qaadatay qadaras,kaasi kaas oo u sansaan
eeg halkay mareen masharicihii  hore.

sidaasi waxay ka
markhaati kacaysaa inaanu madaxwayne biixi wax mashaariica ka gaysan gobolka
hawd shantaa sanno ee uu hayay jagada madaxwayni,nimo.

BAAHIYAHA ASAASIGAA IYO
WAX KA QABADKA XUKUMADA BIIXI.

WAXBARASHADA= gobolka
hawd waxa uu ka kooban yahay 4 dagmo waaxana ka dhexeeya 1 secondary kaas oo
kuyaala baligubadle. ardayda ku kalla nool dagmooyinka kalle kamay helin xaqii
wax barasho ee ay ku lahayeen xukumada.

Waxbarashada gobolku ma
dhaafsana primary and secondary mana laha heer jamacadeed iyo school ka
farsamada gacanta IWM.

BIYHA= wasarada biyuhu
kuma laha gobolka department iyo shaqaale ka hawl galla gobolka.Dadka iyo
xooluu  waxay ka cabaan baraago bulshadu
ma garanayaan meel ay ugu hagagaan wasaradii ku shaqada lahayd biyaha madaama
oo ayna xarun kulahayn gobolka.

CAFIMAADKA= afarta
dagmo ee gobolku ka kooban yahay waxaan ambulance Lahayn laba dagmo kuwaas oo
adeegsada gawaadhida shicibka laganana kireeyo halka labada dagmo ee leh
ambulance ka ay shidalka ku shubtaan dadka bukaanka ahi.

Goobaha cafimaadka ee
dagmoyinkaa lagama wada hello dhamaan service kii wasarada cafimaadku
bixinaysay taas o keentay in bukaanka lays kusoo dhaafiyo hargeisa.

Dhawaan waxa la dhamays
tiray MCH dagmada baligubadle taas oo ay iska kashadeen habblaha ururka samo
wadde iyo dawlada hoose ee baligubadle .

iyana waxa dhawaan la
sameeyay MCH magaalada gumar iyana waxa iska kaashaday dad waynaha iyo dawlada
hoose ee baligubadle .

ilaa hada wasarada
cafimaadku may keenin qallabkii iyo shaqalihii loogu adeegi lahaa bukaanka.

KAWAR QABKA GOBOLKA IYO
MADAXWAYNE BIIXI.

Madaxwayne biixi wuxu
Safaro kalla duwan kusoo maray dhamaan gobolada dallka isagoo qarkood 2 ilaa 3
jeer ku noqnoqday. gobolka hawd oo 60 km ujira casimada somaliland ee hargeisa walli ma tagin madaxwayne biixi gobolka
hawd.

 Hadaba waxa is waydiin leh baligubadle mayna
ahayn magaalo ama gobol ka tirsan somaliland hasa ahatee haday xaqedii ka helli
waydo madaxwaynii qaranka iyo xukumadisii yay ka helaysaa xaqedii iyo wax
qabadkedii.

Waxaan dhambaal kaygan
kusu gunaanaday

Nin ku idhi sinaan
mayno

Adna diid sarayntiisa

Sidka waad wadagtaane

Ma sagaashan baa tiisu

W/Q= khalid mohamed ali

G.hawd gobol xaqiisii
la dulmay.

 


Like it? Share with your friends!