Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wafti Oo Saaka Ambabaxay Dalka Jubuuti Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi


Spread the love

Madaxwaynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Weftigan uu Madaxwaynaha JSL Md Muuse Biixi hoggaaminayo oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSl Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSl Md Maxamed Xasan Sacad Saajin iyo Wasiirka Arrimaha gudaha JSL Md Maxamed Kaahin Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Jabouti ee xarunta Jamhuuriyadda Djibouti.

Weftigan ayaa ku sugnaan doona maalmaha soo socda dalkaasi Djibouti, iyagoo kullano la qaadan doona Madaxda dalkaasi.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments