Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay


0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso oo maanta soo gaaray Magaalada Dhuusmareeb.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa,amniga doorashada iyo Arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howlgalada ka dhanka ah cadowga argagaxisada iyo guulihii u danbeeyay oo laga gaaray. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga sifeeyay argagaxisada.

Dhinaca kale, wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe).

Horseed Media


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *