Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulamo ka wada Beledwayne


Spread the love

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo maanta gaarey magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xallinta tabashada ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo ka qeyb galayay munaasabad kooban oo soo dhoweyn ah ayaa sheegay in uu kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada, kuwaasi oo looga hadlayo tabashada ay qabaan reer Beledwayne oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle

“Inta aan Magaalada joogo waxaan kulamo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka kan Degmada oo aan ka dhageysan doono xaaladaha guud ee Gobolka iyo tan Magaalada Beledweyne annagoo og abaaraha baahsan ee ka jira Deegaanada Hirshabeelle.Sidoo kale waxan kulamo la qaadan doonaa duubabka nabadoonada iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo tabasho walba aan ku xalin doono wadahadal” ayuu yiri Cali Guudlaawe

“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban waxaana muhiim ah in qofka markaasi haaya uu dadka isku haayo isla markaana fursad lasiiyo,waxaan ka shaqeyn doonaa sidda loo xalin lahaa tabashadda ay qabaan reer Hiiraan” ayuu yiri Cali Guudlaawe

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Beledwayne ka dhacdo Doorashada kuraasta Golaha Shacabka, wadaana diyaar garoowgii ugu dambeeyay.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments