Madaxweynaha JFS oo magacaabay Lataliyeyaal cusub


Spread the love

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay mudaneyaashan hoos ku xusan Lataliyeyaal Madaxweyne;

1. Ibraahim Eidle Sulayman Lataliyaha  Sharciga Madaxweynaha J.F.S.

2. Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha  Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S.

3.Hassan Adam Hosow Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S.  

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay Xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments