Lama oga sababta Itoobiya u casuumtay madaxweyne Lafta gareen, hase ahaatee waxaa aad isha lagu hayaa inaanu wanaagsanayn xiriirka Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la ogsoonyahay inuusan ku faraxsanayn in Mukhtaar Roobow oo muddo afar sano xabsi guri ugu jiray dowladdii hore lagusoo daro golaha wasiiradda ee Soomaaliya.
Warar ayaa sheegaya in qorshaha loogusoo daray xukuumada uu yahay mid meesha looga saarayo madaxweyne Lafta gareen oo ahaa saaxiibada dhow ee madaxweynihii hore Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya haatan laftiisu ma wanaagsana, kadib markii dhowaan madaxweynaha Soomaaliya uu tagay dalka Masar, halkaasna uu ka caddeeyay inay Masar kula mowqif yihiin arrinta webiga Niilka.