Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo magacaabay Wasiir cusub


Spread the love

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xeer-Madaxweyne oo uu soo saaray ku magacaabay wasiir cusub oo kamid noqonaya Golahiisa Xukuumadda.Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Xasan Cabduqaadir Maxamed u-magacaabay Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed.Xilkan waxaa horey u hayey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Lugbuur oo 19-kii bisha July ku dhintay weerar ka dhacay magaalada Baydhabo.Ururka Al-shabaab oo weeraro iyo dilal qorsheysan ka geystay gudaha Baydhabo ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii lagu dilay Marxuum Lugbuur.Horseed Media


Like it? Share with your friends!