Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasada


Spread the love

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022 uu ku magacaabay Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay magacyada guddigan oo ka kooban 7 xubnood.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne.

UJEEDDO: MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland:

1. Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin.

2. Siciid Maxamed Cilmi Xubin.

3. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin.

4. Aadan Geedi Qayaad Xubin.

5. Cabdalle Ibraahim Maxamed Xubin.

6. Mukhtaar Cabdi Jaamac Xubin.

7. Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin.

madaxweynaha somaliland oo magacaabay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasada


Like it? Share with your friends!