Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in uu ‘qare’ daraaddii magaalo kale u tegay


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty Images3 Saacadood ka horMarkii uu madaxweyne Volodymyr Zelensky booqday magaalada dhawaan la xoreeyay ee Kherson waxa uu ku kaftamay in uu halkaas u tegay sabab la xidhiidha in uu doonayey ‘qare’. “Waxay ahayd muhiim in la taageero dadka halkaas ku sugan inkastoo ay sii socoto khatarta,” ayuu raaciyay. Laakiin waa maxay sababta qaraha uu usoo hadal qaaday?Madaxweynaha ayaa tixraacayay midhahan oo maalmihii u dambeeyay noqday astaan dhanka internetka ah oo u taagan gobolka koonfurta Ukraine.Qaraha ugu badan ee Ukraine wuxuu ka yimaadaa Kherson, oo ah magaalo beeraley ah oo ku taal Badda Madow. Cimiladeeda qoyan waxay u ogolaataa midhahaasi in ay si degdeg ah u baxaan.Markii Ruushku weeraray Ukraine bishii Febraayo dhoofinta qaraha ayaa istaagtay. Sida taallooyin loogu talagalay qaraha ayaa halkaas ku yaal, waxay muujinayaan, astaan degaanka taas oo samaysankeedu ka horreeyey duullaanka Ruushka.Midhahan ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayey gobolkan, sida uu BBC-da u sheegay Cunto-kariye u dhashay Ukraine iyo qoraaga dhanka cuntadaee  Olia Hercules. Waxa ay sheegtay in yaraanteedii ay xasuusato aabbaheed oo qaraha ka soo gurta beer ay lahaayeen u dhawayd. Qaraha ayaa la sheegay in qarniyo ka hor ay Tataarkii Crimean-ku soo galiyeen gobolka Kherson. Sanadihii 1940-meeyadii iyo 50-meeyadii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, dadka gobolka ayaa qaraha u karkarin jiray  si uga samaysataan jab macaan oo la cuno, xilligaas oo ay adkayd inn sonkor la helo, ayay sheegtay Ms Hercules.Booqashadeeda xilliyada xagaaga ee Kherson waxa ay tidhi, “In had iyo jeer ay ku garan jirtey in ay magaaladeedii joogto marka ay aragto baabuurta oo wadada dhinaceeda taagtaan lagu dhex iibinayo qaraha ama xabxabka.’Xigashada Sawirka, Getty ImagesKahor dagaalka hadda socda, dhaqanka telefishinka ee sanadlaha ah marka la tilmaamayo bilowga xilliga goosashada, waxa ay had iyo jeer samayn baahin jireen muuqaal doon ay ka buuxaan qare oo ka baxaysa Kherson una socota Kyiv iyada oo loo sii marayo Webiga Dnipro.Sida laga soo xigtay wargayska Kyiv Post ee afka Ingiriisiga ku hadla ee Yukreeniyaan, safarka doomaha qaraha ee sannadlaha ah laftiisa ayaa dib u bilaabmay 2017 ka dib 14 sano oo hakad ah. Xamaasadda qaraha wakhtigaas ayaa ahayd mid aad u xoog badan, waxaana la bilaabay akoon aan rasmi ahayn oo Twitter ah oo loogu magac daray ” qaraha saaran markabka”. Dhaqanka muddada gaaban socday ma uu sii waarin ka dib duulaankii Ruushka, laakiin sawirka qaraha sida mascot ee magaalada ayaa sare loo qaaday si uu u matalo halganka Kherson ee xorriyadda. Ra’iisul wasaaraha Ukraine Denys Shmyhal ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawir muujinaya isagoo sita qare. Ururo kala duwan, oo ay ku jiraan kooxda kubbadda cagta Dynamo Kyiv iyo jagada qaranka Ukraine, ayaa si ku meel gaadh ah dib ugu habeeyey calaamadahooda si ay qare ugu daraan.


Like it? Share with your friends!