0

Hambalyo taliyaha ku meel gaarka ah ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, waxaan u rajeynayaa in uu ku guuleysto ma’uuliyadda culus ee loo idmaday.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada in ay garab istaagaan dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *