MADAXWEYNE BIIXI: LA JIIFIYAANA BANNAAN, LA JOOJIYAANA BANNAAN


Spread the love

Md. Biixi wuxuu u shaxay inuu rido taariikhda

Waxa beryahan dambe hadal-haynta bulshada Soomaalida ku soo
noq-noqotay su’aal ah: maxay salka ku haysaa muranka siyaasadeeed ee murgay ee
Somaliland (SL) maanta ka jiraa? Jawaabta su’aashaas waxaa laga heli karaa warqaddii mudane (md) madaxweyne Biixi ku soo celiyey
baarlamanka uu ku diiday saxeexa iyo dhaqan-gelinta xeer lambar 14/2021.https://fb.watch/g_6WvriZRR/

Warqaddaas oo ku suntanayd taariikhda baarlmankana laga
hor akhriyey 21/08/2021. Xeer lamb. 14/2021 waxa uu fasaxayey furista ururada siyaasadda iyo qabashada doorasho ay
ku soo baxaan xisbiyo ruqsad cusub haystaa.

Warqaddaas oo aad u dheerayd wuxuu md. Biixi ku
nuux-nuuxsaday sababaha uu ku diiday dhaqan-gelinta xeerka lamb. 14/2021; oo ay ugu horayso in
dhaqan-gelintiisu toos uga hor-imanayso
taariikhda loo qoondeeyey doorashada madaxtooyada (13/11/2022) oo dastuuri ah, kana
mudan doorasho ku soo baxday xeer baarlaman.

Waxa kale oo warqaddu intaas ku dartay in taariikhda furista
ururada siyaasadda ee xeer lamb. 14/2021 – 6 bilood ka hor inta aysan dhicin
ruqsadda xisbiyada haddajiraa – ka hor-imanayso taariikhda loo qoondeeyey
doorashada Guurtida. Waxa kale oo warqadda md. Biixi tilmaantay in xeerka lamb.
14/2021 qodobkiisa 10aad uu xusayo in ururka siyaasadeed ee xisbi noqonayaa
helo 20% codadka gobollada, taasoo ka soo
horjeeda “Xeerka Doorashooyinka Guud”, qodobkiisa 80aad oo dhigaya in
doorashada ururada liisanka xisbinnimo qaadanyaaay ka dhacdo heer degmo.

Haddana horraamihii
sannadkii 2022 ayuun baa la arkay md. Biixi oo si xoogggan, gabbasho lahayn, u riixaya,
farayana hay’adaha dawladda in tartankii ururada siyaasadd/xisbiyada la furo,
lana dardar-geliyo. 3dii bisha Janaayo 2022, ayey xildhibaano xisbiga Kulmiye
ka tirsani dacwad geeyeen maxkamadda sare,
iyagoo ku andacoonaya hirgelinta xeer 14/2021. Jawaabtii maxakammaddu waxay
noqotay in arrinkaasi yahay shaqo baarlamanka u taal, kol, haddii madaxweynuhu
soo celiyey deer lamb. 14/2021.

Bishii May 2022 waxa baarlamanku ansixiyey xubnaha guddida
diiwaan-gelinta; oo 14/08/2022 ku dhawaaqay inay diiwaan geliyeen 15
urur-siyaasadeed. Md Biixi waxa uu fagaarayaal badan kaga khudbeeyey doorashada
xisbiyada siyaasadda inay dhici
doonto dabayaaqada bisha Disamabar 2022, sida
dardaarankii uu siiyey guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo Khudabaddii
madaxweynaha ee sannad-laha ee bishii May 2022, oo
uu md. Biixi ku goodiyey in lagu biyo-cabbo
doorashada ururada/xisbiyada.Laakiin ilaa hadda looma hayo xeerkii iyo hannaanka ay doorasho ku geli lahaayeen.Cajiib.

Mucaaridka oo arrimuhu sida ay u
socdaan ka biyo-diiday, liqina kari waayey, marinkii siyaasadduna isku soo
ooday, ayaa miciin biday banana-bax bishii Ogost 11keedii 2022, halkaas oo ay
ka dhasheen dhimashada ilaa 7 qof iyo dhaawac badan, ka dib markii ciidamadu u
adeegasadeen rasaas nool, dad tiro badana xabsiyada loo taxaabay. Md Biixi oo
dhacdaada ka fal-celiyey wuxu u nisbeeyey in xisbiga Waddani gacanta loo
geliyey “Xirsi Cali X Xasan” oo aan meelna u soo marin, dadkii ku tabcay
xisbigana isaga dartii uga tegeen. Weedhaas oo dadweynaha ku noqotay
af-kala-qaad.

Halkaas
waxa ku fur-furantay masaladii jawaabata loo la’aa: maxaa md. Biixi uga daba yimi warqadii uu ku
diiday dhaqan-gelinta xeer lamb. 14/2021, Ilayn waayeel qawl la dhacay waa geed
qolofi ka dhacadaye, madaxweyne-na hadalkiisaba daa? Jawaabtii masaladu waxay
noqotay: waxa md. Biixi maankiisa beddelay doorashadii “Xirsi Cali X. Xasan”
loogu doortay guddoomiyaha Waddani bishii Nofembar 2022; hadlakaas oo u marag kacay xantii siyaasadda ee awalba
suuqa ku jirtay. Md. Biixii iyo guddoomiye Xirsi waxay hore aad isugu
colaysteen Xisbiga Kulmiye dhexdiisa; hiirtaanyadiina weli madaxweynaha kama
hadhin. Talow,ma xintan baa bulshada gedaanka loo saarayaa!

Arrinka
muranka siyaasadeed waxa galay madax -dhaqameedka Somaliland oo gobollada
oodhan isaga yimi, laakiin nasiib darro faro-madhan ayey md. Biixi kala soo
noqdeen. Waxa kale oo iyana arrinka galay ganacsatada oo soo jeediyey in la
isku sidko doorashada madaxtooyada iyo ta ururada, baarlamankuna ka hawlgalo
sharciyeynteeda, laakiin md. Biixi ma garawsan. 19 kii bishii Sebtembar 2022
ayuu golaha wakiilada SL ansixiyeen soo jeedintii ganacsatada, kaabisna ku
sameeyeen xeerka Doorashada Guud. Taasina uma qudh-qudhsamin md. Biixi. Mar
walba mowqifka Biixi waa sharciga ayaan raacayaa.

24kii
bishii Sebtember ayey guddida doorashooyinka ee cusbaa ku dhawaaqeen inay
sagaal bolood gudahood ku qaban karaan doorashada keliya ee suuragalka ah:
doorashada madaxtooyada. Hadda xasuuso in toddobada xubnood ee guddidaas ka
kooban yahay, 5 ka mid ahi ay ka socdaan dhankiisa (muxaafid). Haddana, mar
kale, dhegeey jalaq, iyo sharciyaddaan ka xigaa. Maalmo ka dibna beesha
caalamaka ayaa ugu baaqday md.Biixi inuu qabto doorasho la isku wada raacsan
yahay. Haddana, sidii oo kale iyo sharciga ayaan raacaya.

Md.
Biixi wuxuu u shaxay inuu rido taariikhda kasta oo ku astaysan geedi-socodka doorashada, muddo dhaafiyana,
laga soo bilaabo markii uu kala diray guddida doorashooyinka bishii May 2022.

Haddaba
gorfayntaa dheer ka dib, gunaandku laba-labays ma leh: xeerkii lamb. 14/2021 ee
uu md. Biixi ku soo celiyey baarlamanka, haddana ka daba yimi, waxay ka dhigan
tahay halqabsiga laga reebay boqorkii xeerka iyo damaciisu isku mid ahaayeen ee
yidhi: la joojiyaana bannaan, la
jiifiyaana bannaan. Sharciyadda Muuse sheegaa waa taas.

Sharciga
siyaasadda ayaa hagta. Siyaasaddana maslaxadda guud ayaa hagta. Ha loogu
duceeya madaxda Soomallida oodhan: in Ilaah samaha tuso.

Wa
Billaahi towfiiq

Maxamuud
Cabdillaahi Axmed
Email:[email protected]


Like it? Share with your friends!