Madaxweyne Biixi Maraykan waxa ugu dambaysay 37 ka hor.


Spread the love
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Laba jeer ayuu madaxweyne Biixi Maraykanka ku soo qaatay tababar
Milatari. Ta koowaad waxa ay ahayd intii u dhaxaysay 1981—1982 oo uu ku jiray
saldhiga Milatariga ciidanka cirka Maraykanka ee gobolka Ohaayo, waxaana
saldhiga la odhan jiray ” Dayton Air Base”. Haddana isaga oo sannad ka sii maqan Maraykanka ayaa loo diray tababar
kale oo isla Maraykanka ah sannadkii 1983. Wuxuu galay xero tababar oo ku taal
gobolka Firjiiniya oo la odhan jiray “Fort Lee”, waxaanu ku jiray 1983—1985. 

Markii uu soo dhammaystay tababarkii Firjiiniya ayuu qiimeeyey xaaladda
ay wakhtigaasi ku sugnaayeen dadkiisii iyo guud ahaan wixii la odhan jiray
Gobollada Waqooyi (Soomaalilaan-ta maanta). 5/5/1985 ayuu ka soo degay dalka Itoobiya, waxaanu toos ugu biiray
xooggagii SNM ee dagaalka hubeysan kula jiray taliskii dalka xoogga ku haystay
ee Maxamed Siyaad.

Booqashada Maraykanka 37 ka dib.

Saacadda afrikada bari marka ay tahay 4:00 galabnimo ayuu weftiga
madaxweynuhu ka degi doonaa caasimadda Washinton. Wuxuu 37 ka dib booqasho ku
tegi doonaa dal uu ka yimid isaga oo ah sarkaal aqoon-raadis ah, waxaanu booqan
doonaa isaga oo ah halgamaa dagaal hubaysan ku jiray (1985-1991= 6 sanno),
sidoo kale noqday madaxweynaha Soomaalilaan 2017-2022.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments