Madaxweyne Cigaal Iyo Gacanyarihiisii.


Spread the love
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Madaxweyne Cigaal ‘AHN’
ayaa xan hoose ku maqlay in nin gacanyarihiisa ahi uu war ay isku-ogaayeen u
sheegay dadka kale, markaasuu u yeedhay oo ku xanaaqay, oo uu ninkii ku shubay
shaah uu cabbaayey.

Dabadeed ninkii oo
shaadhkiisii shaahii ka muuqdo ayaa ka soo baxay albaabkii xafiiska
madaxweynaha. Ka dib waxa kaabadii xafiiska kaga soo horbaxay koox wasiirro ah
oo ballan la lahaa madaxweynaha, waxa aanay su’aaleen shaahan shaadhka kaga
daadtay? Markaasuu ugu jawaabay, “madaxweynaha ayaa sheeko qosol badan iiga
sheekeeyey markaasuu qosol dartii shaahii igu daadatay”. Ka dib wasiirradii ayaa
madaxweynaha ku yidhi, sheekadii qosolka badnayd ee hebel aad uga sheekaysay
nooga sheekee.

Dabadeed madaxweynihii
ayaa ninkii markii dambe xil sare u magacaabay, markuu ku qancay heerka
dulqaadiisa.


Like it? Share with your friends!