Madaxweyne Daahir baa yaabay!!.


Spread the love
W/Q: Fu’ad Fartaag

Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale
Kaahin waxa uu ahaa Madaxweyne degan, afgaaban, dulqaad leh, dad isku haynle,
wax xeerin, dhowrsan, xurmo leh, masuul ah, oo leh wax kastoo loogu soo hirto
ruux masuul ah, Mudane Daahir waxa uu ahaa wakhtiguu xilka hayey masuul
xumaatada iyo gafka dulqaad ulahaa, Maxaa yeelay afxumo, hanjabaad, argagixis
iyo shaani xitaa lala beegsay hadana wuu u dulqaatay una dhabar adeegay taasina
waxay cadaynaysaa inuu ahaa ruux Madax ah oo bisil oo masuul dulqaad leh ahaa,
Mudane Daahir Riyaale intii uu xilka hayey waxa ay badeen Xisbiyada Mucaaradka
ahi u malayn maayo in ay jirto aduunka Xukuumad la kulantay wixii wajahay
Mudane Daahir iyo Xisbigii UDUB, Maxaa yeelay Xisbiga Udub wuxuu ahaa Xisbigii
ugu horeeyey ee laga hirgeliyo Jamhuuriyada Somaliland waxa hindisay xisbigaa
oo Dhaqan galka siyaasada axsaabta badana lahaa,

 

siyaasigii weynaa ee reer Somaliland ahaana Madaxweynihii Labaad ee
Somaliland ilaahay haw naxariistee Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Udub
waxa uu ahaa Xisbigii ugu horeeyey ee Somaliland wuxuu ahaa Xisbi aan qabyaalad
iyo shuraako ku samaysnayn, Xisbigii Udub waxa uu ahaa Xisbi aan cadho iyo ciil
lagu dhisin, laakiin Xisbigii UDUB ee dhaxalgalka inoo ahaan lahaa sida aduunka
ka dhacda ee loogu faano Xisbigii Dal ugu hor hirgalay, sidoo kale waxay u
ahaan lahayd xurmo iyo abaal marin xusuuseed Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin
Cigaal ee fikirka iyo hantidiisii galiyey ee Dhulka aan kasamaysan se
dhulkiisii iyo hantidiisii u iibiyey bud dhigii Jamhuuriyada Somaliland iyo
siyaasada axsaabta badani si ay inoogu hirgasho, se ma ayan dhicin ee waatii
xeerka loo samaystay si dhaxalkii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal
Dalka u dhiteeyey iyo taariikhdiisa iyo waxuu Dadka iyo Dalka u galay cagta
lamariyo waayo dadkii ayuu tusay waxa ay yihiin wakhtigaa raga maanta weli
Xumaatada iyo naxligu sii biyo dhiganyahay ee uurkutaaladii ay Cigaal u hayeen
weli kusii Dihintahay, illaahay ha u naxariistee isaga oo wakhti dheer sii
mootan, waana ta keentay in Mudane Daahir Riyaale Kaahin markii Xisbiga uu la
wareegay waxaynu ogayn ay u badeen ee markii uu Kulmiye qabsaday judhiiba
Xisbigii ahaa dhaxalkii uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal inooga tagay ay u
baabiyeen nuqdiga ku nugul ee ku likan awgeed, iyagoo xaasidaaya kuna
xumaynaaya Marxuunka god galay,

 

 sidoo kale Mudane Daahir Riyaale
Kaahin na intay baabiyeen Xisbigii UDUB ay la hadheen xildhibaanadii
baarlamaanka ee Udub si ay u bahdilaad madaxdii udub waatii Kulmiye sameeyey
Waxaan aduunka ka dhicin in Xisbi saaxadii Siyaasada laga saaray ay
xildhibaanadiisii ka hadhaan oo sii fadhiyaan sharci dejintii iyaga oo soo
jeedinaaya doodo una codaynaaya Shuruucdii Golaha lakeeno!,  Runtii waa fowdo iyo Dumuqraadiyad burburin,
maantana tii oo kale ay u tafo xaydan yihiin iyo xisbi qaran baabiin kale!,
inkastoo aanay ka soconahay maanta waxay ku naaloonayaan. Se wax walba waxa
kasii daran Mudane Daahir Riyaale Kaahin raga maanta Kulmiye ahi sagaalkii
sanadood ee uu ahaa Madaxweyne ku xigeen Cid ku sheegtay eed may jirin, se
ragii mashruuca iyo calooshooda u shaqaystayaasha lagu sheegay waxaynu odhan
karnaa ciilkii ay u qabeen Marxuunka ayey kula dhaceen Daahir Markuu
Madaxweynaha noqday, Hadaba maanta oo Madaxweyne Kulmiye ahi uu mudo xileed iyo
dabo-dhah uu xil dhamaystay,

 

Madaxweyne kale oo  Kulmiye ahina
mudo xileedkisii uu dabayaaqo yahay oo bilo ka hadheen, Maxaa keeney in Kulmiye
aflagaado iyo been abuur loo gaysto Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo saaxadii
siyaasada waa’ hore ka fadhiistay, Xisbigii Udub ee uu madaxweynaha ka ahaan
jirayna wakhti aad u fog la baabiiyey oo aanu jirin Maxay Kulmiye kumaagayaan?
Runtii shirkii Kulmiye wixii kasoo yeedhay deelqaaf, Shacabkii reer Somaliland
iyo Mudane Daahir baa yaabay!.

 

Af xumo nabaday wiiqdaa

Collaadna wax matarto.

Fuad Fartaag

[email protected]


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments