Madaxweyne Hambalyo iyo Dhaliil Wada Socda


Spread the love
W/Q: Ahmed M. Adan (Doobb-baje)

Waxaan saaka qaalinka u qaatay inaan hambalyo iyo
taageero halkan uga gudbiyo Madaxweynaha iyo Golaha Wasaarada,anigo ku
hambalyaynay, kuna taageeraya go’aanka ay ka qaateen Arrinka Ururada Cusub,
Xisbiyada iyo Doorashooyinka.

 

Waxaan rumaysan ahay inay dalka Dawlad kaliyii ka
jirto. Dawladaasuna ay tahay mida uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwene Muuse
Biixi Cabdi, oo ay Dadka Somaliland u doorteen xilkaas. Waxayse u muuqataa inay
Xisbiyada Mucaaridku ka dhigayaan inay dalka ka jiraan laba dawladood oo Xukunka
isku haystaa!

 

Waxase nasiib daro ah, in aan arkay liiskaas 23
gabdhoodh oo hablaha Somaliland ka mid ah oo la xidhxidhay, oo waliba la geeyay
magaalo ka fog halkii ay deganaayeen qoyaskoodu.

 

Hadaba iyadoo ay hambalyada iyo taageeradu ba
halkooda yaaliin oo aanan kala noqonayn, waxaan isla markaas si wayn ugu
dhalliilayaa Xukuumadda xadhiga hablaas la xidh-xidhay. Kaasoo aan sinaba sabab
ama cudurdaar u yeelan karin. 

 

Sidaas darteed, Waxaan Madaxweynaha ka codsanayaa in
hablahaas si degdeg ah xoriyadooda loogu soo celiyo, amarna uu ku bixiyo INAAN
GABDHAHA Somaliland ARRIN SIYAASADEED loo xidhxidhin. Hadii laga maarmi waayana
aanay gabadh Somaliland u dhalatay Siyaasad u xidhnaan mudo  24 saacadood
ka badan. Sidaasuna inoo noqoto Xeer iyo Dhaqan Wanaag aynu kaga horayno Dunida
inteeda badan.

 

Haweenka iyo raggu waa isku xuquuq. Ha ahaatee,
dhibta way u kala nugul yiin. Haweenku na Ragga aad ayay uga baahi badan yiin.
Dhinaca kale ninka ragga ahi, waa cadow ku lid noqon kara naftiisa iyo nafaha
kaleba waxaanu taa kala mid yahay jinsiga lab ee naflayda ama xayawaanka
kale.  Sidaas darteed waxan lagama maarmaan ah inay bulshaddu ragga ula
taagnaato carbin ama carb’in, cadaadin iyo caabi.

 

Raggu ma raboobo, mana laylismo, mana carba’o, mana
carbismo ee hogaan adaga baa ku hayn kara hilinka toosan. Ragga waxa lagu
abuuray Diidmo, Dil, difaac iyo boob xad-dhaaf ah! 

Haweenkana hadal wacan baa hayalsamida iyo hoyga ku
adkeeya. Haweenka waxuu lagu abuuray HAYE, HOOYO, HOO iyo HOYN!

 

Waxaan, iyagana, halkan hambalyo iyo dhaliil
mataansan uga soo jeedinayaa Xisbiga WADANI iyo madaxdiisa. Waxaan ku
hambalyaynayaa qadiyada hablahaas xidhan ee ay u kaceen, ee ay sida tooska ah
ugu hadleen. Waxaanse ku dhaliilayaa Magaca qabiilka Garxejis ee ay huwiyeen
gabdhahaas, taasoo dhaawaci karta Sumcadda Qaranka, kala fogayn iyo colaadna ku
abuuri karta labada daamood ee degaanka Caasimadda Hargeysa.

 

Waxaa noqon lahaa AFGOBEED iyo DIBLOMAASIYAD
Xiirraaya, iyadoo uu Xisbiga WADANI uga hadlo arrinka hablahaas sidii hablo
haybta kaliyee ay huwan yihiin tahay HAYBTA Somaliland.

 

Allow Qaranka Somaliland, Qumi hormoodkiisa,

Qoton adag Alow nooga yeel, Gidi qawaaniinta,

Allow qalinka aad nuun ku tidhi, Qorista noo toosi

Qolo qolo Alow naga midee, Qaybo kala jeeda,

 

Aamiin.

 

Ahmed M. Adan (Doobb-baje)

Toronto, Canada


Like it? Share with your friends!