Madaxweyne hore K/galbeed oo loo diiday in uu tago Baydhabo


Spread the love

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta loo diiday in uu ka safro garoonka Diyaarada magaalada Muqdisho, isaga oo ku wajahnaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur galbeed.

Ujeedka Shariif Xasan uu ku tagi lahaa Magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in uu ahaa u tartamida kursi deegaan doorashadiisa tahay Magaaladaas oo tirsigiisu tahay Hop#261, balse amar kasoo baxay Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa lagu diiday in uu aado Baydhabo.

Kursiga HOP#261, waxaa haatan ku fadhiyo Wiilkiisa Cabduqaadir Shariif Xasan, balse waxaa uu haatan wajahayaa culeys kaga imaanayo Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Lafta gareen.

Dhawaan ayey ahayd markii Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Baarlamaankii 10-aad, Cabdiweli Muudeey laga hor istaagay in uu ka safro Muqdisho, isaga oo ku wajahnaa Magaalada Baraawe oo ay ka dhaceysay Doorashada kursigii uu hore ugu fadhiyay, doonayayna in uu markale u tartamo.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments