Warar aan helnay waxay sheegayaan in shaqada looga joojiyay, fulin la’aanta amar madaxweyne ku xigeenka kasoo baxay, oo ahaa in aan la hor- istaagin guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya oo shalay laga celiyay Boosaaso.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa horey xilalkii uga qaaday saddex wasiir oo kala ah arrimaha gudaha, maaliyadda iyo amniga. Laakiin, xilka ka qaadistooda midna ma dhaqan galin.
Tallabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenka ayaa muujinaysa inuu weli taagan yahay, khilaafkii isaga iyo madaxweyne Deni. Iyadoo ay usii dheer tahay, barlamaanka Puntland oo markaan u muuqda mid galka seefta kala baxay.
Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa soo gaabiyay socdal ugu ku joogay dalka dibaddiisa, isagoo berrito kusoo laabanaya Garowe si uu u wajaho xalka arimaha ka taagan Puntland.