Wuxuu intaasi ku daray madaxweyne Laftagareen in dhalinyarada Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, islamarkaana la nacsiiyay dalkooda, dowladooda iyo Calankooda ayna ka shaqeynayaan dhibaatooyin kala duwan.
“Halganka aan xoriyada ku helnay waxaa keenay 13 dhalinyaro ah kaliya, Maanta dhalinyarada Soomaaliyeed tiro ahaan waa boqolkiiba 70-tan, aqoonta dadka way korortay marka dhalinta maanta joogta waa kuwa lagu diray Hooyooyinkooda, Aabayaashooda, waana kuwa ka shaqeeya dhibaatooyin meelo kale laga soo maleegay” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Hadalka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa imaanaya xili Xalay inta badan magaalooyinka dalka lagu qabtay munaasabado lagu xusaayay 1-da Luulyo, taasoo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.