Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqanaya deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab


Spread the love

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray Al-shabaab iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.Sidoo kale, waxa uu ku bogaadin doonaa sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan Al-shabaab.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.Horseed Media


Like it? Share with your friends!