Magaalo ku taalla UK oo Soomaalida qaxootinimada ku tagtay xusaysa


Spread the love
Leicester

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jaamacadda magaalada Leicester ee dalka UK ayaa qabanaysa munaasabado lagu xusayo taariikhda dadka qaxootiga kala duwan ah ee horumarka u horseeday magaalada.

Dadka sida gaarka ah loo maamuusayo waxaa ka mid ah Bulshada Soomaalida ee Leicester, kuwaasoo qayb ka ah dadka deegaanka ee taariikhda fiican ku leh halkaas.

15-ka bisha September ayaa la filayaa inay billowdaan munaasabadaha xuska ah oo isdaba joog noqon doona.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in qaxootiga Leicester ay magaalada ka caawiyeen inay noqoto meel nolosheeda lagu soo hirto.

Bulshooyinka kale ee loo dabaaldagayo waxaa ka mid ah dadka kasoo jeeda dalalka Caribbean-ka iyo kuwa loo yaqaanno Ugandan Asian.

Sidee bay Soomaalida ku tageen Leicester?

In badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Leicester waa dad haysta dhalashada dalalka Midowga Yurub oo horay magangalyo doon ahaan ugu tagay waddamada Netherlands, Denmark iyo Sweden.

Balse labaatankii sano ee ugu dambeeyay waxaa kusii badanayay dadka qaxootiga ah ee toos uga taga Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka Soomaalida ah ee markii ugu horraysay tagay magaaladaas waxay dalbanayeen magangalyo (maadaama ay walwal iyo naxdin ka qaadeen waxyaabaha ka socday Soomaaliya) inkastoo aysan qaxootinnimo ku tegin UK, maadaama ay ahaayeen dad ka yimid dhinaca Midowga Yurub.

Sidaas awgeed, looma oggolaan in ay helaan kaarka qaxootiga ee iyo aqbalaadda UK oo ay ku heli lahaayeen caawinaadda dowladda. Sidaasoo ay tahayna waxay isku marxalad ahaayeen qaxootiga caadiga ah, sida ay xilli hore BBC-da u sheegeen mas’uuliyiinta.

Waxyaabaha ugu horreeyay ee ay xoogga saarayeen waxaa ka mid ahaa inay bartaan luuqadda Ingiriiska.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maamulka dowladda hoose ayaa dadaal ku bixinayay in uu waxbarashadooda xaqiijiyo si baahidooda loo daboolo.

Maxay ku doorteen Leicester?

Waxaa jira sababo dhowr ah oo ay Soomaalida ku doorteen magaalada Leicester, waxaana ka mid ah:

  • Magaalada oo ay ku nool yihiin bulshooyin dhaqankoodu yahay mid isku dhaf ah
  • Soomaalida oo muddo dheer taqaannay Britain, maadaama uu yahay waddankii qaybo ka mid ah gumaystay tan laga soo billaabo 1870-kii ilaa xilligii xorriyadda la qaatay
  • Nidaamka wax barashada oo aad u xoog badan iyo dowladda oo ku dadaasha inay carruurta siiso waxbarasho fiican
  • Fursadda ay u helayaan in ay diintooda ugu dhaqmaan si xor ah, dhaqankoodana raaci karaan
  • Qaar badanna waxay fursad u helayeen inay la joogaan bulshadooda

Like it? Share with your friends!