Mahad Sallaad iyo Musharixiin kale oo isu diiwaan geliyay Doorashada


Spread the love

Guddiga Maamulka Doorashada Galmudug ayaa maanta diiwaan geliyay Musharixiinta u tartameysa Doorashada kuraasta HOP-147 iyo HOP-55.

Kuraastan oo deegaan Doorashadooda tahay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kursiga HOP-147 waxaa loo diiwaan geliyay Musharixiinta kala ah Mahad Maxamed Sallaad iyo Shamso Cabdullaahi Maxamed.

Kursigaan ayaa waxa hore u sheegay in uu doonayo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo sabtidii laga hor istaagey in uu ka safro garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli uu ku socday Guriceel.

Kurisga HOP-55 ayaa waxaa loo diiwaan geliyay Musharixiinta kala ah Maxamed Xuseen Abuukar iyo Maxamed Saciid Cabdullaahi.

Doorashada labadan kursi ayaa lagu wadaa in ay Dhuusamareeb ka dhacdo 17 bishaan, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Galmudug.


Like it? Share with your friends!