0

Manchester City ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqi karta saxiixa weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.

Kooxda Man City ayaa dareentay dhibaatada weeraryahan la’aanta kadib markii ay ku fashilantay in ay buuxiso booskii uu baneeyay xiddiga Sergio Aguero.

Man City ayaa xagaagii oo dhan lala xidhiidhinaay saxiixa xiddiga Harry kane laakiin ugu dambayn kooxda difaacanaysa horyaalka ayaan helin saxiixa xiddiga.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa haatan qirtay in ayna kooxdiisu wax fursad ah u haysan in ay ku guulaysato champions League la’aanta weeraryahan toos ah.

Sidaas darteed waxa uu maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan xiddiga werarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *