0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay heshiisyo cusub ka saxiixato xiddigaha Jesse Lingard, Bruno Fernandes, Paul Pogba iyo Luke Shaw mustaqbalka dhow.

Lingard iyo Pogba ayuu heshiiskooda Man United dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana xiddiga Pogba lala xidhiihinayay ka tagista kooxda Old Trafford ku ciyaarta suuqii xagaaga.

Dhanka kale xiddiga Lingard ayaa iska sii joogay Man United inkasta oo lala xidhiidhinayay kooxda West Ham oo uu amaah kula joogay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano, Man United ayaa wadahadalo kula jirta Lingard iyo Pogba si ay heshiis cusub uga saxiixdaan xiddiga halka kooxdu ay sidoo kale la hadlayso wakiilada Fernandes iyo Shaw.

Fernandes ayay 4 sano uga hadhsantahay heshiiskiisa Man United laakiin United ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Portugal si ay ugu sii hayaan kooxda.

Shaw ayaa dhankiisa xor noqon doona sanadka 2023 waxana ay doonaysaa in ay xiddiga 36 jirka ah ka saxiixato heshiis cusub kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *