0

Kooxda Leicester City ayaa Man United ka jabisay rikoodh cajiib ah kadib markii ay ku dhex garaacday garoonka King Power kulan ka tirsana ahoryaalka premier League.

Leicester City ayaa Man United ku garaacday 4/2 kulan xiiso lahaa oo labada dhinacba u dagaalamayeen dhibcaha kulanka.

Guusha Leicester City ayaa soo afjartay rikoodh guuldaro la’aan ah oo ay Man United ku lahayd kulamada martida horyaalka premier League.

Man United ayaan guuldaro la kulmin 29 kulan oo premier League ah kulamada ay martida ahaayeen horyaalka premier League.

Markii ugu dambaysay ee Man United laga badiyay iyaga oo marti ah premier League ayaa ahayd kulankii dhacay bishii January 2020 markaas oo ay guuldaro 2/0 ah kala kulmeen kooxda Liverpool.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu Qof Kaa Fog Kuu Xiisay? Calaamadahan Ayaad Kuu Sheegaya.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *