0

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramaya in ay bilowday wadahadalo ay ku doonayso saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeedho Nou Camp tan ilaa markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund sanadkii 2017 sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Laakiin xiddiga ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 13 gool 48 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga ayaa haatan dhaawac uga maqan waxana uu qaab xor ah uga tagi karaa Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay Barcelona doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Wargayska El Nacional ayaa sheegaya in ay Ma United wadahadalo la furtay wakiilada xiddiga reer France si ay ugu qanciso in ay qaab xor ah ku hesho adeegiisa xagaaga dambe.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: Hadalo Macaan Oo Aad U Diri Kartid Qof Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *