“Waanu qadarinaynaa doorka Somaliland ay ku leedahay gobolka ee ah in ay tahay dimuquraadiyad adkaysi leh, dagan oo nabad ah, AFRICOM waxay aad u danaynaysa in ay sahamiso fursado dheeraad ah, si ay u xoojiso xidhiidhka Somaliland ee ku dhisan danaha aynu wadaagno, si aynu ula dagaalano argagixisada, budhcad badeeda iyo tahriibinta” ayaa lagu yidhi warbixinta AFRICOM.
Talisku waxa uu xusay in kulamadii ay madaxda Somaliland la yeesheen Khamiistii diirada lagu saaray, xidhiidh laba geesood ah oo ay yeeshaan Somaliland iyo Maraykanka, layskana kaashan doono ilaalinta nabada gobolka Geeska Afrika.
“Kulamadii 12 May ka dhacay Hargaysa iyo Berbera waxaa diirada lagu saaray faa’iidada laga helayo xidhiidh laba, geesood ah oo ay yeeshaan Maraykanka iyo xukuumada Somaliland, xidhiidh balaadhan oo dhexmara AFRICOM iyo millateriga Somaliland iyo ciidanka xeebaha, wixuu kor u qaadayaa danaha la wadaago ee nabada gobolka, iyo ilaalinta waddooyinka ganacsiga ee muhiim ka ah” ayaa lagu yidhi warbixinta AFRICOM.
Warbixintii hore ee uu taliska AFRICOM kaga faalooday kulamadii dhex maray madaxda Somaliland ee shalay, aya lagu sheegay in uu Maraykanku Somaliland ula macaamilayo sidii qayb Soomaaliya kamid ah, qoraalkaas oo ka cadhaysiiyay bulshada Somaliland, isla markaana, dadka reer Somaliland ee Twitterka isticmaala oo si toosa uga jawaabay qoraalka taliska, ayaa muujiyay cadho.
Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online