Maraykanka Oo Qaadacay Mamnuucidda Xijaabka Ee Dalka Hindiya


Spread the love

Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay mamnuucidda xijaabka ee gobolka Karnataka ee koonfurta dalka Hindiya, halkaas oo xijaabka laga mamnuucay gabdhaha muslimiinta ah isla markaana ay ka dhalatay cadho xoogani.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arimaha diinaha ayaa war uu soo saaray ku sheegay in arintani ay tahay xad-gudub ka dhan ah xuquuqda diimaha ee dunida iyo dalka Hindiyaba.

Cadho aad u xoogan iyo dibad baxyo ayaa ka dhashay kadib markii gobolka Karnataka laga mamnuucay xijaabka, iyadoo muuqaalada iyo sawirada arintan ku saabsani ay dunida qabsadeen.

Hindiya waxa degan dad tiro badan oo kala diimo ah waana mid ka mid ah wadamada dunida ugu diimaha badan.


Like it? Share with your friends!