Mareykanka oo dadkiisa ugu baaqay in ay ka soo baxaan Ukraine


Spread the love

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ku boorriyay dadka Mareykanka ah ee ku sugan Ukraine ay si deg deg ah uga baxaan halkaasi, taasoo ah calaamad kale oo muujineysa saan-saanta dagaal ay suurtagal tahay inuu ka dhaco Ukraine.

Biden ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga NBC ee dalkaan Mareykanka.

Sida ay sheegeen millatariga iyo sirdoonka Mareykanka, ciidanka xoogga Ruushka ayay suurtagaltahay in ay duullaan buuxa ku qaadaan Ukraine, isla markaana ay taangiyada Moscow ay muddo 48 saac gudahood ah ku gaari karaan caasimadda Kiev.

Ruushka ayaa maanta billaabay dholatus Militery oo uu ka sameynayo dalka Beralus, taasi oo reer Galbeedka ku tilmaameen daandaansi.


Like it? Share with your friends!