Mareykanka oo xogta maaliyadeed ee Al-Shabaab ku bixinaya $10 milyan oo abaal-marin ah


Spread the love

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed.Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo ay maamusho Waaxda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa kordhisay illaa $10 milyan oo abaal-marin ah taas oo la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa.Sidoo kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa yaboohaya illaa $10 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda Al-Shabaab.Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.Horseed Media


Like it? Share with your friends!