Markii Iigu Horreysay Sheekh Aadan Siiro.


Spread the love
Xasuus-qorkii:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Taariikhdu haddii aanan qaldaneyn waxay ahay 1990kii,dhammaadkiisii ama
bilowgii 1991kii, meeshu waa qaxoontigii caanka ahaa ee reer Somaliland u
qaxeen dagaalkii 1988kii.markaas waxaan ahaa..koray ama wiil aad u yar da’daydu
haddii aan qiyaaso 11jir.dulcad suuqii sare ama qaybta galbeed waxay lahayd
masaajid u ahaa masjid jaamac…inkastuu yaraa..kana sameynaa dhoobo iyo qoryo
ama sarab dhammaantii…

afarta dhinac ba iyo waliba saanqaafka.habeen habeenada ka mid ah..ayaan
naloo sheegay markii makhribkii la tukaday in Sheekh la yidhaa…Aadan siiro
noo gali doono”muxaadaro”

Sheekhu ilaahay u naxariisto…wali way igu sii qorantahay waxa uu
xidhnaa habeenkaas…dhar isku joog ah oo ahaa nooca jiiniska ah ama shiingeyga
ah oo buluug ah oo barigaa dadka dibadaha ka yimaada lagu arki jiray.jawiga
deggan oo dulcadeysan oo iimaan iyo xiise sheekh cusub oo dulcad ku cusub ku
dheehanyahay ayuu ku bilaabay muxaadaradii.sidii caadada u ahayd waxa uu ku furfurtay…hordhiciisii
ay ku dheehneyd…sida uu marwalba u furfuran jiray hadalka ama wacdiga ee
aftahannimada luuqadda carbeed ku dheehantahay.waxa uu bilaabay
Siiradiisii..markaas ayuu si wireless ah…nooga qaaday qaxoontigii dulcad oo
uu nageeyey makka iyo madiina iyo dhulkii Nabiga(csw),ku noolaa iyo
asxaabtiisii…isagoo sawiro iyo tusaale ka bixinaaya taariikhdii islamka iyo
hab nololeedkii Nanigeenna(csw) iyo asxaabtiisii iyo wixii dagaal iyo jihaad
isla soo mareen.waxa marwalba khubaddiisaa iyo tu kastab ka maqnaan jirin
go’aamadii iyo geesinimadii uu lahaa “Cumar binu khaddaab”.!!habeen
aan maskaxda ka bixin.!!!!ilaahay qabriga ha u wasiciyo….jannadana ha geeyo
isaga iyo innagaba.

Xasuus-qorkii:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan school.

Hargeysa,Somaliland.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments