Markii Saadaam Xuseen oo yar uu isku dayay inuu dilo Raysul Wasaare


Spread the love
Ciraaq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bisha July waxay ahayd mid muhiim u ah maamulkii Saadaam Xuseen ee dalka Ciraaq. Maanta oo kale 16-kii July, 1979-kii ayuu noqday Madaxweynaha Ciraaq.

24 sano oo uu Ciraaq xukumayay kaddib, waxaa 2003-dii xilka looga tuuray weerarkii uu Mareykanka ku qaaday dalkaas.

Saddec sano kaddib, 30-kii bishii December ee sanadkii 2006-dii ayaa lagu fuliyay xukun daldalaad ah oo ay ku ridday maxkamad Ciraaq fadhigeedu yahay oo ku heshay inuu ku lug lahaa dilalka dad rayid ah.

Qormadan waxaan dib ugu milicsanaynaa mid ka mid ah dhacdooyinkii uu ku lug yeeshay Saadaam Xuseen ka hor inta uusan madaxweynaha ka noqonin Ciraaq.

Qorshihii dilka Raysul Wasaaraha

14-kii bishii July ee sanadkii 1958-kii, oo ku beegnayd hal sano kaddib markii uu Saadaam Xuseen ku biiray xisbiga Bacath, askari ka tirsanaa militeriga Ciraaq, oo lagu magacaabi jiray Cabdul Karim Qaasim, ayaa dilay boqorkii ugu dambeeyay ee dalka Ciraaq, Faysal II.

Xubnaha qoyskii boqorkaas iyo dad kale oo uu ku jiray Raysul Wasaarihii waddanka, Nouri al-Said, ayaa ku dhintay weerarkaas, islamarkiina waxaa lagu dhawaaqay inay Ciraaq noqotay Jamhuuriyad.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Durbadiiba waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeyay Qaasim iyo siyaasiyiintii ay isku fikirka ahaayeen kaddib markii ay diideen in ay ku biiraan ururkii UAR oo uu abuuray Jamaal Naasir.

Inkastoo markii dambe uu golihiisa wasiirrada kusoo daray 16 xubnood oo ka tirsanaa xisbigii Bacath ee taageerada ka haystay UAR, haddana xisbigu wali ma aysan cafinin, waxayna qorsheeyeen in la khaarijiyo Raysul Wasaaraha.

Mid ka mid ah raggii hoggaanka u ahaa kooxdii loo xil saaray in ay dilaan Cabdul Karim Qaasim waxa uu ahaa Saadaam Xuseen.

Hase yeeshee weerarkii ay ku damceen inay ku dilaan Raysul Wasaaraha wuu ka fashilmay, wuuna ka badbaaday isku daygii khaarijinta.

Waxaa la sheegay in Saadaam Xuseen uu rasaas ku dhuntay gaarigii Raysul Wasaaraha.

Markii uu weerarka fashilmay, Saadaam Xuseen waxa uu u baxsaday dalka Suuriya, oo xilligaas lagu tilmaami jiray saldhigga ugu awoodda badan ee xisbiga Bacath.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hase ahaatee, 1963-kii, ciidamo taabacsanaa Bacath ayaa xukunka ka tuuray Cabdul Kariim Qaasim, waxayna la wareegeen maamulkii waddanka. Saadaam Markaas wuxuu joogay Masar, oo uu saldhigtay kaddib markii uu ka tagay Suuriya.

Dabcan Saadaam wuu ogaa in haddii uu ku laabto Ciraaq uusan hoggaamiyaha cusub, Abu Salaam Caarif, ku xukumi doonin dil, maadaama ay jireen wararka ku saabsanaa inuu damcay dilka Raysul Wasaarihii hore.

Balse waxa uu sidoo kale ogaa in ugu yaraan xabsi la dhigi doono. Sidaas ayaana dhacday.

Saadaam markii uu ku laabtay Ciraaq waxaa lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah.

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay BBC-da, kacdoonkii isbaddalka looga sameeyay Ciraaq sanadkii 1963-kii waxaa taageerayay Mareykanka oo doonayay inuu halkaas ka hirgeliyo nidaam raacsan siyaasadda Ameerika.

Bishii April ee sanadkii 1966-kii, Abu Salaam Caarif waxa uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta Ciraaq, xukunkiina waxaa la wareegay walaalkiis Cabdul Raxmaan Caarif.

Bishii July ee sanadkii 1968-kii, Axmed Xasan al-Bakar ayaa xukunka ka tuuray Cabdul Raxmaan Caarif, kaddibna madaxweyne ka noqday Ciraaq.

Saadaam Xuseen ayaa u noqday madaxweyne ku xigeen, maadaama uu qudhiisa ku lug lahaa afgambiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii Ciraaq, Axmed Xasan al-Bakar iyo ku xigeenkiisii, Saadaam Xuseen

Inkastoo uu madaxweyne ku xigeen ahaa, haddana Saadaam ayaa lagu tilmaamayay ninka howsha ugu badan ka qabta dowladda.

sanadkii 1979-kii, waxaa sii xoogaystay fikraddii ku saabsanayd in Ciraaq iyo Suuriya laga dhigo hal waddan, taasoo sidoo kale ka mid ahayd waxyaabaha uu aaminsanaa xisbiga Bacath ee ka jiray labada waddan.

Haddii uu qorshahaas hirgalo, madaxweynaha waxaa noqon lahaa hoggaamiyihii Suuriya, Xaafid al-Aasad. Balse Saadaam Xuseen si wayn ayuu uga soo horjeestay arrintaas.

16-kii bishii July ayuu Madaxweynihii da’da ahaa ee waddankiisa, al-Bakar ku khasbay in uu iscasilo, sidaas ayuuna Saadaam ku noqday madaxweynaha Ciraaq.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments