0

Xiddiga David Alaba ayaa ku soo laabtay Real Madrid isaga oo dhaawacan isaga oo ku soo dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa Austria.

Alaba ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa ee u ciyaara Real Madrid kadib Eder Militao kaas oo isna ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.

Dhaawaca Alaba ayaa la macno ah in uu Ancelotii wajahayo masiibo dhaawac oo dhanka daafaca ah ka hor wakhtiga muhiimka ah ee ay kooxdu ciyaari doonto kadib fasaxa xulalka.

Xiddiga David Alaba ayaa haatan seegi doona kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Shakhtar Donetsk Kulanka champions League


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *