0

Xafladda abaalmarinta Ballon d’Or ayaa lagu wadaa inay dhacdo 29 November Waxana inaga xiga hal bil iyo wax yar iyada oo cid walba dooranayso xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta.

Tababaraha PSG Mauricio Pochettino ayaa magacaabay 3-da xiddig ee ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta sanadkan isaga oo ka tagay 2 ka mid ah xiddigihiisa kuwaas oo kala ah Neymar iyo Mbappe.

Pochettino ayaa u sheegay El Partidazo de COPE: “Ballon d’Or-ka waa in uu Messi ku guulaysto, shaki la’aan”.

“Xitaa hadii aanan tababare u ahayn Messi, waxa aan odhan lahaa Messi, waxa aan kaga jawaabay qalbigayga, waana waxa aan mar walba odhan lahaa”.

“Xiddigaha kale ee aan dooran lahaa waa Robert Lewandowski iyo Cristiano Ronaldo”ayuu sii raaciyay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *