0

Waxa jira muran badan oo ku dhacay Lionel Messi laftiisa kadib markii uu tababare Mauricio Pochettino badalay xiddiga reer Argentine daqiiqadii 75-aad kulankii ay PSG guusha 2/1 ah ka gaadhay kooxda Lyon.

Wakhtigaas ciyaarta ayaa maraysay 1/1 kulan ay labada kooxood soo bandhigayeen qaab ciyaareed cajiib ah oo weerar iyo weerar celis ah.

Mauricio Pochettino ayaa ciyaarta kadib sharaxay sababta ay u badaleen Lionel Messi kadib markii uu xiddiga laftiisu yaabay.

“Waxa aan go’aansanay in aan badalno Lionel Messi sabab la xidhiidha cabis aan ka qabnay in uu dhaawacmo”ayuu yidhi.

“Waxa nagu soo food leh kulamo muhiim ah sidaas darteed waa in aan ilaalino isaga”.

“Go’aanada sidan oo kale ah waxa aan u samaynaa kooxda darteed cid walbana way ogtahay waxa aan haysanaa xiddigo badan oo fiican”.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *