Maxa laga Filaya in ay ka so baxan Wada Hadalada Mucaaradka iyo Xukuumada?


Spread the love
W/Q: Cali Xasan Cawaale.

Aragti ahaan. Waxan
tiraba laba jeer ka hadlaya Arrimaha la isku hayo ee u dhaxeeya Mucaaridka ama
Asxaabta kumeel gaadhka ah ee mucaaridka iyo muxaafidka ah.

Hadaan erayo kooban
ka soo qaato. hadalada hore ee an kaga hadlay arrimahan.

Waxaan xusay. In sharciyadu
aanay dhedhexaadin galin. Isla markaana odayaashii is Xilqaamay aanay hawlaha
sharci Dhexdhexaadin ka galayn balse doorkooda dhexdhexaasineed noqonayo isu
soo dhaweynta dhinacyada iyo hawlaha hada taagan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.
Mudaharaadadii ay ku dhawaaqeen mucaaridku , iyo ragii laga xidhxidhay xaga
mucaaridka. Iyo waliba sidii la isu soo horfadhiisin lahaa labadq dhinac.

Waxa Allag mahadii ah
in odayaashii dhexdhexaadintu ay si karaamo iyo sharafba leh ugu guulaysteen
dhamaanba arrimihii doorkoodu ahaa. Ayagoo hakiyay mudaharaadadii mucaaridka ,
sidoo kale xukuumadana ka sii daayay dhamaanba dadkii u xidhna ee dhanka
mucaaridka.

Inta kadib odayashii
Allah khayr ha siiye ayagoo ogsoon doorkooda iyo halka u ku egyahay,  waxay gogol iskugu keenay labadii dhinac si ay u wada hadlaan uguna wada
hadlaan arrimaha sharciyada. Waanay u kala baxeen labadii dhinac madama
doorkooda ay arrintan ku leeyihiin uu ku eegyaha halkaas.

Waxan qiraya sidan
horaba u sheegay in ay odayashaani si hufan ugu ekaadeen una qaateen dorkoodii.
Halkii la doonayayna so gaadhaiiyen wanan ku mahadinaya shaqada ay qabteen ai
hufana uga so baxeen.

Inta Kadib waxa bilaabmay
kulamadii labada dhinac ku wada hadlayeen waxana qabsoomay tiraba laba kulan
kuwo kalena wa loo balansanyahay.

Hadaba aan  uso noqdo mawduceenan caawa ee ah maxay kusoo
dhamaan doonan wada hadaladan u socda labada dhinac.

Ugu horeyn inta aanan
ka hadal  aeagtida aan ka qabo natiijada
ay kusoo dhamaan doonan wada hadaladani. Hadii Rabi idmo. Waxan doonaya in aan
halkan ku iftiimiyo laba qodob oo saldhig u noqon doona ama aad ka sii dhex
arki karto  natiijada kulamadan ku so
dhamaan doonan. Insha Allah kuwas oo kala ah sidan.

1) Qodobka kowaad wa
hubaal ah oo an cidna ka qarsoonayn. In madaxweyne bixi iyo Xukuumadiisu midna
ayna awood sharci u lahayn in Ururada ay furaan iyo in ay xidhaan ama hor
istaagin furista ururada.

Balse Ay Ururada
siyaasadu ay ku furmayaan Xeerka sharci ee xeer 14. 2011. Marka la gaadho
wakhtiga u xeerku jideeyay oo ah wakhtigan hada taagan.

Markaa yaan
madaxweynaha iyo xukuymadisa yan loo qadan in ay awood u leeyihiin joojinta iyo
furista ururada.

2) Qodobka labaad.
Waxa iyana hubaal ah oo ah xaqiiqo jirta cidkastana ogtahay.

In Xeer14. Shaqaynayo
dhamaan hawlihii ku xusnaa ee ururaduna ay si sharciya u shaqaynaya. Waxana ku
daliil ah.

A) In ururadii mudaba
furnaayeen oo ay ku jiraan ololahoodii iyo hawlahoodii ururnimo.  Isla markaana fuliyeen fulinayaana arrimihii
sharci ee looga baahna sida diwaangalintii ururnimo bixintii cashuurta ku
waajibtay, furashadii Xafiisyada. Iwm

B) Waxa kale oo iyana
sharci ah oo shaqaynaya lana ansixiyey gudidii kala reebista ururada , kuwaas
oo waaxda fulinto so magacawday ayadoo fulinaysa Xeer14. Isla markaana ay
ansixiyeen Waaxda sharci dajintu. Ayagoo fulinaya waajibaadka sharci ee kaga
aadan xeer 14.

Hadaba adigoo eegaya
dhamaanba qodobada aan soo xusay miyaanay ku muuqan natiijada ay ku soo gabogaboobi
doonan wada hadaladaasi.

Maya wa i muqata
waana arrin waadax ah.

Nin jecel iyo nin
neceba natiijada Wadahadaladaasi waxay ku soo dhamaan doonta in la galo
tartankii ururada, isla markaana mucaarid iyo muxaafidba loo hogaansamo Xeerk
14 oo ah xeerka shaqaynaya hadan fulintiisu socoto, Hadii Rabi idmo

Ninka wax kale ku
fakaraya ama rajo ka qaba in xeerkan 14 la joojiyo  dibna looga laabto oo
mel dhexe la isugu yimaado.

Ninkaasi wa anbaday
ee hala tilmaamo.

Allah ha inagu simo
Natiijadaas. Cid kasta oo igaga so horjeeda aragtidan waxan leeyahay wa inoo
maalintaas Allah swt ha inagu simo.

Cali Xasan Cawaale.

Hargeisa Somaliland.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments