Maxaa dhex maray Madaxweynaha Shiinaha & Ra’iisul Wasaaraha Canada?


Spread the love

Labada hoggaamiye ee dalalka Shiinaha iyo Canada oo ku kulmay shir madaxeedka G-20 ee ka socda waddanka Indonesia, ayaa is dhaafsaday canaan ay duubteen Warbiinta.Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku canaantay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau inuu siidaayay tafaasiil ku saabsan wadahadal ay hore u yeesheen, kaas oo Trudeau uu walaac ka muujiyay faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.Ra’iisul Wasaare Trudeau oo hadalka soo dhexgalay oo u soo dhaqaaqay dhanka Xi ayaa u sheegay in “Canada ay aaminsan tahay wadahadal xor ah, furan, oo daacad ah, taasina ay noqon doonto wax ay sii wadi doonaan”“Waxaan sii wadi doonaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno, laakiin waxaa jiri doona waxyaabo aynaan ku heshiin doonin.” ayuu raaciyay Trudeau.Xi ayaa hareeraha eegay markii uu Trudeau u jawaabay.“Marka hore aan abuurno shuruudo.” ayuu ku jawaabay Xi.Labada hoggaamiye ayaa is gacan qaaday kadib iska horimaadkii koobnaa ee ay isku dhaafsadeen canaanta.Horseed Media


Like it? Share with your friends!