Maxaa Jeylaani oo qaba baahiya gaarka ah ku dhaliyay inuu subax walba oo Jimce ah u kallaho badda Liido?


Spread the love

15 Nofembar 2022Magaalada Muqdisho waxaa jira nin dhawr iyo konton jir ah oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kaas oo subax kasta oo Jimce ah ka qayb gala nadiifinta xeebta Liido. Jeylaani Cali Xuseen waxa uu sidoo kale u ololeeyaa ilaalinta deegaanka, isagoo da’yarta ku boorriya in xeebta laga nadiifiyo bacaha iyo caagadaha qashin ahaanta loogu tuuro, si loo badbaadiyo noolaha badda ku jira.Jeylaani oo weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan u warramay ayaa yiri: “Waxaan imaadaa 5ta subaxnimo halkan maalin kasta oo Jimce ah weliba aniga oo qaba baahiyaha gaarka si aan dhalinyarada ugu dhiirrigeliyo.””Qofka dhalinyarada ah marka uu arko aniga oo aabahood la’eg oo qaba baahiyaha gaarka ah wuxuu ku dhiiranayaa inuu nadiifinta xeebta ka qayb qaato, muhiimadda aan shaqadaas ugu biiray waa intaas.”Play audio, “.”, Muddada 3,0803:08Qoraalka Codka, .Jeylaani waxaa walaac weyn ku hayay bacaha oo deegaanka waxyeelayn u gaysta waxa uuna ganacsatada ku boorinayaa inay keenaan waxyaabo lagu baddeli karo bacaha ee aanan waxyeelaynayn deegaanka.”Bacda waa cadawga dhulka, dadka iyo xoolahaba, kuwa ganacsiga u keenana waxaan kula talin lahaa inay baddelaan oo ay keenaan wax aanan saamaynayn deegaanka oo ku milma ciida sababtoo ah bacda wey dishaa wax walba oo ku jira badda.””Nadaafadda maalintii aan aniga ku soo biirayay iyo maanta wacyigelinta wey kala duwan yihiin. Markii ugu horreysay dadka meesha ku ganacsada af-xumo ayay anaga xitaa noo gaysanayeen haddana waxay nagu dhahaan howl wanaagsan ayaad qabateen, sababtuna waxay tahay waxay arkeen in nadaafaddu tahay wax wanaagsan.”Xeebaha oo kaliya ma ahan meelaha ay bacdu dhiibaatada ku hayso deegaan ahaan. Suuqyada waaweyn ayaad ku arkaysaa bacaha qashinka lagu daro oo xooluhu cunayaan ka dib ay u dhimanayaan.Dalalka deriska la’ah Soomaaliya qaarkood ayaa laga mamnuucay isticmaalka bacaha sababa la xirriira waxyeelaynta deegaanka.


Like it? Share with your friends!