Maxaa ka jira in askrta Ruushka la laayay ka dib markii ay isa soo dhiibeen?


Spread the love

Xigashada Sawirka, TWITTER4 Saacadood ka horMuuqaal laga soo duubay jiidda hore ee bariga Ukraine ayaa muujinaya sida ay isku soo dhiibeen koox askar ah waxaana halkaasi ka dhacay dhacdo u muuqato mid soo afjaraysa noloshooda.Ruushka ayaa ka fal celiyay muuqaalkan, isagoo ku eedeeyay Ukraine inay dil toogasho ah ku fulinayso maxaabiis Ruush ah, taasoo noqon doonta dembi dagaal. Ukraine ayaan weli ka jawaabin eedeymaha loo soo jeediyay.BBC-du uma aysan suurogalin in ay xaqiijiso sheegashada Ruushka ee la xiriirta muuqaalka, laakiin waanu daraasadaynay muuqaalada, anagoo isku daynay in aanu isku soo uruurino wixii dhacay.Digniin: Warbintan waxaa ku jira sawirro  laga yaabo in dadka qaar ay dhibsadaan.Dhacdadan ayaa dhacday Sabtidii ama ka hor Sabtidii 12-kii Noofambar waxayna ka dhacday Makiyivka, oo ah tuulo ku taal jiidda hore ee gobolka Luhansk.Muuqaalo lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa soo baxay galinkii dambe ee maalintaas iyo Axadii kaas oo ay baahiyeen baraha taageera Ukraine. Muqaalada ayaa muujinayay meydadka tiro askar ah oo ku labisan dareeska askarta oo dhulka daadsan.Qayb ka mid ah muuqaalka muuqaaladaan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray muuqaal la soo dhigtay online-ka wasaaradda difaaca ee Ukraine kaas oo ku saabsanaa hawlgallada milatari ee ka dhacay aagga Makiyivka.Baraha bulshada qaarkood ayaa sheegaya in hoobiye ku soo dhacay uu sababay dhimashadooda. Laakiin waxa warkaasi gaashaanka u daruuray warbaahinta taageerta Ruushka oo sheegaya in askarta ay toogteen ciidan ka tirsan guutada 80-aad ee weerarrada cirka ee Ukraine.Kadib,  17-kii Nofembar muuqaalo kale ayaa soo baxay, markan waxaa duubay qof goobta jooga, waxaana laga dhex maqlayay qeylo dad ku hadlaya luuqada Ukraine oo oranaya “qof kasta oo ku dhuumaaleysanaya halkan waa inuu soo baxo.Ka dib waxaa la arkayay askar mid mid u soo baxaysa oo dhulka jiifanaya.Muuqaalka ayaa waxaa sidoo kale laga dheehan karay in afduubayaashu ay ku hadlayeen luqadda Ukraine, halka dareeska maxaabiista ay u muuqday kan ay xirtaan askarta Ruushka. Wasaaradda difaaca ee Ruushka iyo warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in maxaabiistu ay yihiin askarta Ruushka.Muuqaalka ayaa markaa ka dib muujinayay nin ku labisan dhar madow oo soo baxaya. Qof u muuqdo in uu hubaysan yahay ayaa rasaas ku furaya marka uu hore u socdaba.Ma awoodno inaan ka xaqiijino in ninku yahay Ruush ama reer Ukraine iyo qofka uu rasaasta ku furayo.Kaamirada ayaa ka dib meesha ka baxaysa iyadoo dhawaqa rasaasta la maqlayo. Fiidiyowgu wuxuu ku dhammaanayaa isagoon waxba laga arkayn.Muuqaalka (lagu soo qaaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn) iyo muuqaalka laga duubay goobta ayaa u muuqda kuwo isku mid ah.Labada muuqaalada ayaa waxaa laga arki karaa irridda laga soo galo gooobta ay dhacada ka dhacday inuu yaallo gaari casaan ah kaas oo u muuqda inuu hal gaari yahay.Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa cambaareysay waxa dhacay oo ay ku tilmaantay “dil ula kac ah” oo madaxa laga toogtay in ka badan 10 askari oo Ruush ah oo aan wax dhaqdhaqaaq sameyn. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ahayn “markiii ugu horreeyay oo dembiga dagaal galaan” ciidamada Ukraine.In la dilo ama la dhaawaco dagaalyahan hubka dhigay oo isa soo dhiibay waa dambi dagaal.Ruushka ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo dhowr ah, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo lagu dilay Bucha – oo aan sidoo kale baaritaan ku sameynay.Is-dhiibida iyo is-dhaafsiga maxaabiista dagaalka ayaa qodob muhiim ah u noqday dagaalkan socday ku dhawaad ​​sagaalka bilood.


Like it? Share with your friends!