Maxaa Ka Qaldan Madax Dhaqameedka Maxaase La Gudboon?


Spread the love

W/Q: Abwaan Cabdikariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

Markii laga yimi Geyigii lagu alkumay iyo Noloshii Reer
Guuraaga Xeer Dhaqameedku waxuu ku koobmay oo uu dhigayaa in la iska kaalmeeyo
dilka iyo dagaalka balse Ma dhigayo in
la iska Caawiyo Dadnimada iyo Nolosha Dhaqan Dhaqaale.

 
Hadaba dhaqanka bulshadu maaha wax meel uun taagnaada
ee wuu isbedbedalaa
 
bulshada maantana waxaad moodaa inay sida xuubka maska uga
dhex baxayso Qaab dhismeedkeedii waayodhaqanka noloshan casriga ah ayaa cidlo dhigey Xeer dhaqameedkii Soo
Jireenka ahaa.

 
Qofka waxa kaliya oo uu reerkiisa xaq ugu leeyahay inay
caawiyaan waa Marka uu wax Dilo ama isaga la dilo. Tani waa Ta isha dhaqaale ee
ugu weyn ee cuqaasha ka dhigtay inay noqoto magta jyo mawlaxada.

 
Bal Hadaba Su,aal aan idin Weydiiyee Ninka Mag dhiig Madoobe ah loo haysto iyo ninka Garab raratada ah ee guri kiro ah
ku jira afar caruur ah oo uu dhalay Jaamacada galeen ee fiigii jaamacada laga
doonayo iyo kirada guriga bil kasta kee ayaa daran? Dee magta waa lagaa sugi oo waxaad odhan aan
soo ururiyo balse ninkan kale waxuu joogto u bixiyaa mag aan cidi la bixinayn

 
Geesta kale imika
dadkii miyigii wuu ka yimi magaalo ayuu soo galay ma jiraan wax badan oo dagaal
beeleedyo ah oo dadku imika wax shil ku dhinta mooyee way yar yihiin wax is
dilaa. Tani waxay saamayn ku yeelatay nidaamka Maaliyadeed ee Cuqaasha oo Hoos
u dhac ayay ku keentay dakhligoodii. Isla markaana Cuqaashu lama ay iman hal
abuur dhaqan oo ay ku curinayaan Nidaam qaadhaan oo khuseeya waxtarka Noloshan casriga ah ee
weli waxay ku eegyihiin kaalmada waxyeelada timaada ee beesha.

Beelihii way
fara bateen meelna ma wada yaalaane waxay ku baaheen caalamka qaadhaan
qaybintana laguma sugi karo qalin Big ah iyo Buug yar oo xaashi laxoox ah oo
caaqil sito oo dadkii inta miyiga loogu tago xoolaha laga soo dareerinayey ma
jiraan oo magaalo ayay joogaan kolba waxyeelada timaad ha la qaybsadana socon
mayso ee waxaa loo baahan yahay in qaadhaanka la cilmiyeeyo wax joogto ah dadka
laga qaado iyadoo loo eegayo dakhliga qofka soo gala waxaa loo baahan yahay
qaab xisaabeed aqoonaysan waxaa loo baahan yahay in qaadhaanka lagu daro
waxtarka nolosha ee sida uu imika yahay lagu koobnaan waxyeelada la gaysto

 
Habkaasi waxuu dhaqaale weyn u abuuri lahaa Cuqaasha jyo
beesha labadaba wax badan oo hada dadku tebayaana wuu buuxin lahaa Caaqilku
waxuu yeelan lahaa gaadiid mushahar joogto ah iyo shaqaale xirfadlayaal ah oo
aqoon leh.

 
Hasayeeshee taasi lama keenin islamarkaana hoos u dhaca ku yimi dakhliga
Magtu waxay keentay in caaqilku jeebka galo siyaasiga si uu uga helo nolol
maalmeedkiisa dee Maxuu Caaqilku
sameeyaa Magtii waxay ku soo ururtay dhawr qof oo shil gaadhi ku dhintay
intaana hal odey ayaa ku filan caaqilku maxuu qabanayaa dee waa ta dhalisay shaqadii caaqilku inay ku
eekaato inuu Gabdhaha meheriyo kadib gabaatigaa yar uu dhiig joojin ka dhigto
Macawista iyo cumaamada meherka la keeno qaato kadibna intaanu kolaygu ka
dhicin uu ka gaadho waxii shir jaraa,id ah ama cambaarayn ha ahaado ama
hambalyeyne.

 
Markaasay aayar iska odhanayaan siyaasada iyo dhaqanka kala
saara cuqaashu waxay ku Milmeen siyaasadaDee Maxuu Sameeyaa Micidaa u Gacanoo Ilkahaa u midigee.

 
Isku Soo Wada Duuboo Caaqilada waxa la Gudboon inay la
yimaadaan Hal abuur Dhaqan oo ay ku
curinayaan Xeer dhaqameed Damaanad Qaadaya noloshooda,Nidaam qaadhaan oo aan ku
koobnayn iska caawinta waxyeelada ee Wax ka Taraya Nolosha Dhabtacah ee Beesha
islamarkaana la jaanqaadaya Nolosha Casriga Ah

W/Q: Abwaan Cabdikariim Muxumed Cadde(Qaamuus)


Like it? Share with your friends!