Maxaadka ka ogtahay faa iidayinka caafimad ee Baamiyaha(okra)


Spread the love
W/Q: Abdirashid Mohamed Kaahin Dr-Dalab

waxa
afka somaliga lagu dhahaa Baamiye, waxa afka english-ka lagu dhahaa (okra)
waxaa af carabiga lagu dhahaa(
بامية)

 

Mararka
qaarkood waxaa loo yaqaan “lady’s finger,”,baamiyaha waxay ku timaadaa laba
midab – casaan iyo cagaar. Labada noocba waxay dhadhamaan isku mid, kan
guduudana wuxuu noqdaa cagaar marka la kariyo.

Baamiyuhu
waa geed ubaxeed oo caan oo lana cuno. Wuxu ka soo jeeda qoyska mellow.

 

Waxaa
lagu beeraa cimilo diiran iyo cilimada kulul,

Baamiyuhu
waxay u badan tahay inuu ka yimid meel ku dhow Itoobiya, waxaana beeray
Masaaridii hore qarnigii 12aad ee BC. Beeristiisu waxay ku fiday Waqooyiga
Afrika iyo Bariga Dhexe oo dhan.

 

Baamiyaha
waxa ku yar kalooriyooyinka laakiin waxa ka buuxa nafaqooyin. Faytamiin C ee ku
jira bamiyaha wuxuu caawiyaa taageerada shaqada difaaca caafimaadka leh.
Baamiyuhu waxa kale oo uu qani ku yahay fitamiin K, kaas oo ka caawiya jidhkaaga
inuu xinjiroobo dhiigga.

 

Baahiyuhu
wuxuu gaadhay Kariibiyaanka iyo Mareykanka 1700-meeyadii, malaha waxaa keenay
addoomo ka yimid Galbeedka Afrika, waxaana loo soo bandhigay Galbeedka Yurub
wax yar ka dib. Louisiana, Créoles waxay ka barteen addoommada isticmaalka
bamiyaha (gumbo) si ay ugu darsadan maraqa oo hadda waa lagama maarmaan gudaha
Créole Gumbo.

 

Maanta
baamiyaha ayaa caan ka ah Afrika, Bariga Dhexe, Giriiga, Turkiga, Hindiya,
Kariibiyaanka, Koonfurta Ameerika iyo Koonfurta Maraykanka.

 

Ku
kaydi baamiyah qaboojiye Hadii aanad isticmaalayn maadaama heerkulka ka
hooseeya 45 digrii uu dhaawici karo baamiyaha . Si fiican uma kaydsamo oo ma
yaali karo dhawr casho talaagad la aan, markaa isticmaal 2 ama 3 maalmood
gudahood ugu badnaan

Ha
dhaqin ilaa aad diyaar u tahay inaad isticmaasho mooye, haddii kale waxay noqon
doontaa u gaysan doonan dhaawac biyuhu kana dhigan mid xumaday.

Baamiyahu
waa geed si fiican ugu baxa cimilada diiran. Waxaa la heli karaa sanadka oo
dhan, iyadoo xilliyada ugu badan ee uu so go’aa ay tahay bilaha xagaaga.

 

Sida
laga soo xigtay Waaxda Beeraha ee Maraykanka (USDA) Xogta Nafaqada Qaranka hal
koob oo baamiye ceeriin ah, oo miisaankeedu yahay 100 garaam (g) ayaa ka kooban
nafaqooyinka so socda

 

 

_____________________________________


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments