0

Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Farmaajo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Farmaajo

Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay cirka isku ii shareerayay iyagoo qaadayay tallaabooyin mid midka kale lid ku ah.

Haddaba maxaan ka naqaaanaa labadan hogaayimiye oo markii hore isku wanaagsanaa balse ay haatan xaaladdoodu meel xun gaartay.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo lagu naanayso Farmaajo, ayaa 8 -dii Febraayo 2017 loo doortay madaxweynaha Soomaaliya codbixin baarlamaan oo uu ka adkaaday madaxweynahii xilka hayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waqtigiisu wuxuu ku ekaa 8 -da Febraayo 2021 iyada oo aan la qaban doorashooyin madaxweynenimo sababtuna waa khilaafaadka doorashada oo daba dheeraaday.

12-kii Abriil 2021, aqalka hoose ee baarlamaanku wuxuu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in muddo xileedka madaxweynenimada lagu kordhiyo laba sano, balse go’aankaas ayaa laga nqoday kadib buuq badan oo ka dhashay.

Farmaajo ayaa mar soo noqday ra’iisul wasaare intii u dhexeysay November 2010 ilaa June 2011, xilligaas oo lagu ammaanay hagaajinta laamaha amniga ee Soomaaliya.

Sannadkii 2011 -kii, ka dib bilooyin is -qabqabsi oo ka dhashay doorashada madaxweynaha, wuxuu oggolaaday inuu xilka ra’iisul -wasaaraha iska casilo isagoo sheegay inuu “danaha dadka Soomaaliyeed darteed u qaatay go’aankaasi.”

Maxamed oo lagu tilmaamay inuu yahay “siyaasiga ugu caansan Soomaaliya” markii loo caleemo saaray madaxweynaha, Maxamed wuxuu la wareegay xafiiska Soomaaliya iyadoo uu dalka wajahay abaar daran iyo sidoo kale kacdoon ay wadaan kooxda Al-Shabab.

Waa 59-jir dhalay afar carruur ah waxa uu caan ku yahay waxa uuna ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu dhowr sano ku qaatay wax barashada iyo ka shaqeynta Mareykanka balse wuxuu ka tanaasulay muwaadinimadiisa Mareykanka sannadkii 2019.

Maxamed Xuseen Rooble

Qoraalka sawirka,

Maxamed Xuseen Rooble

Maxamed Xuseen Rooble waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya 17 -kii Sebtember 2020. Waxaa ansixiyay aqalka hoose ee baarlamaanka 23 -kii Sebteembar 2020 wuxuuna la wareegay xafiiska afar maalmood kadib.

Ka hor magacaabistiisii, 57 jirkan ayaa kaaliye dhanka farsamada ka ahaa Ururka Shaqaalaha Adduunka. Rooble wuxuu Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka qaatay shahaadada Injineerinka.

Rooble oo lagu tilmaamo inuu yahay nin ku cusub siyaasadda ayaa haysta laba dhalasho oo Soomaali iyo Swedish ah. Waa xaasle wuxuuna leeyahay shan carruur ah.

Ninkan farsamada yaqaanka ah kana soo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqaalaha ee Nairobi, ayaa markii hore kursiga dambe u fariistay Farmaajo.

Hase yeeshee labada nin ayaa khilaafkooda sare u sii kacay iyadoo ra’iisul wasaaruhu qaatay door aad u sarreeya oo uu ku xujeeyay madaxweynihiisa arrimo dhowr ah oo muhiim ah.

Ka dib qalalaasaha ka dhashay doorashooyinkii dib u dhacay oo sannadkan rabshado hareereeyen, wuxuu wacad ku maray inuu dalka u horseedi doono “doorasho caddaalad, xor ,iyo xalaal ah oo hufan”.

Ka dib wada -hadallo uu la yeeshay dowlad -goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Rooble wuxuu xaqiijinayay inay doorasho dhici doonto.

Rooble ayaa intaas ku daray: “Waxaan dhowr jeer sheegay in albaabadaydu u furan yihiin cid kasta oo wax tabanaysa, mar walbana waxaan diyaar u ahay inaan tixgeliyo aragtiyaha kala duwan ee ku saabsan hirgelinta heshiiska doorashada iyo habraacyadii lagu heshiiyay”

Xaaladahii ugu dambeeyay iyo xilliyadii ay dheceen

Wuxuu ka joojiyay Fahad Yaasiin Daahir jagada taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ka dib markii uu ka gaabsaday codsigii Rooble ee ahaa inuu soo gudbiyo warbixin ku saabsan geerida Ikran Tahliil Faarax oo ahayd haweeney ka tirsaneyd NISA. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid aan waafaqsanayn dastuurka

Waxa uu La kulmay saraakiisha amniga

Wuxuu ku eedeeyey Farmaajo inuu “is-hortaagay” baaritaankii aadka loo hadal hayay ee ku saabsanaa masiirka Ikran Tahliil Faarax oo khalalaase ka dhalisay dalka.

Waxa uu La kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aamina Maxamed waxayna sheegtay in doorashooyinka Soomaaliya ay ku socdaan sidii loogu talagalay.

Rooble iyo Farmaajo ayaa wada hadal albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Muqdisho si ay wax uga qabtaan khilaafyadii dhawaan soo kala dhex galay labada hoaamiye.

Wuxuu ka digay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo kiiska Ikran Tahliil Faarax, isagoo intaa ku daray in ciidanka ay ka fogaadaan wax kasta oo sumcaddiisa wax u dhimi kara, kalsoonida shacabka Soomaaliyeedna dhaawici kara.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka xayuubiyay awoodihiisii ​​fulinta. Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay: in “Ra’iisul wasaaruhu jebiyey dastuurka ku -meel -gaarka ah sidaa darteed awoodihiisa fulinta waa lagala noqday … gaar ahaan awoodihiisa xil -ka -qaadista iyo magacaabidda mas’uuliyiinta, ilaa doorashada laga soo gabagabeynayo”


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *