Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo Safiirka Mareykanka?


Spread the love

Ra’iisul Wasaararaha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulan la qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Sidii loo xoojin layaa xiriirka labada dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Labada dhinac ayaa iska wareystay arrimaha Doorashooyinka dalka iyo sidii loo dhammeystiri ahaa Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka.

Safiirka Mareykanka ayaa adkeeyay sida ay muhiim u tahay in la dadajiyo Doorashada, si looga baxo xaaladda kala guurka ee dalka uu ku jiro.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Safiirka Mareykanka ku boorriyay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeeb gurmadka Abaaraha ku baahay dalka ee sida daran u saameeyay bulshada Soomaaliyeed.


Like it? Share with your friends!