Maxay tahay fadeexadda ay ciidamada Tigray wajahayaan ee ay diiddan yihiin?


Spread the love
Waa Sawir hore

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maamulka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa beeniyay eedeynta Qaramada Midoobay ee ah in ciidamadoodu ay shidaal ka xadeen bakhaar ay leedahay hay’adda cunnada Adduunka ee WFP.

Madaxa WFP David Beasley ayaa sheegay in ay xatooyada dhacday Arbacadii, oo ahayd maalintii uu dagaalku dib u qarxay ka dib xabbad joojintii bini’aadantinimo ee bishii Maarso ay ku heshiiyeen ciidamada Tigrayga iyo dawladda Itoobiya.

“Koox hubaysan ayaa gudaha u galay xarunta WFP ee magaalada Maqalle waxayna xoog ku qabsadeen 12 booyadood oo sidday in ka badan nus milyan litir oo shidaal ah. Shidaalkan waxaa dhawaan soo iibsatay WFP, wuxuuna yimid maalmo ka hor inta aan la xadin,” ayuu yiri.

Hase yeeshee maamulka gobolka Tigray ayaa ku tilmaamay hadalka David Beasley ku tilmaamay “mid xaaladda sii murjinaya” waxayna sheegeen inay dib ula laabanayaan 600,000 oo litir oo shidaal ah oo ay Tigray horay u amaahisay WFP dhowr bilood ka hor.

Waxay bayaankooda ku sheegeen in si waafaqsan heshiiskii ay wadagaleen iyaga iyo WFP ay u dalbadeen inay dib u helaan amaahdoodii shidaalka.

“Shidaalka waxaa loo isticmaali doonaa in lagu socodsiiyo adeegyada aasaasiga ah, sida isbitaallada, iyo xarumaha kale ee caafimaadka ee gobolka Tigray oo ay waxyeello u geysteen ciidamada soo duulay.”

War saxaafadeedka Tigrayga ayaa intaa ku daray in ay rajeynayaan in la xaliyo isfaham la’aantaasi dhacday: “Waxaan weli ku sii dadaaleynaa inaan la shaqeyno saaxiibada iyo hay’daha bani’aadamnimada ka shaqeeya ee aadka ugu dadaalaya inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira gobolka Tigray. Annaga oo taas ka duulaynana, waxaan diyaar u nahay inaan xallino dhammaan arrimaha taagan, annagoo kala hadlayna mas’uuliyiinta WFP.”

Madaxa Qaramada Midoobay António Guterres ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dagaalka soo cusboonaaday maadaama bilihii la soo dhaafay ay jireen ifafaalo wanaagsan oo muujinaya in wadahadalo nabadeed ay bilaabmi doonaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Colaadan oo bishii November ee sanadkii 2020-kii ka bilaabatay gobolka Tigray ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof oo rayid ah, iyo in  malaayiin qof ay u baahdaan gargaar bani’aadamnimo, waxaana gobolka ka maqan adeegyadii aasaasiga ahaa sida korontada, isgaarsiinta iyo bangiyada.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay hurinta iska hor imaadkan cusub, kaas oo jugtiisa laga maqlayo magaalada Kobo ee u dhow xuduudka Tigray ee gobolka Axmaarada.

Mid ka mid ah haweenka deggan Kobo ayaa BBC-da u sheegtay: “Dagaalku wuxuu noo jiraa qiyaastii 20 kilo mitir. Waxaan maqlaynaa dhawaqa hubka culus. Weli waa la maqli karaa. Dagaalka wuu sii weynaaday. Ciidamo dheeraad ah ayaa soo galaya aagga.’’

Afhayeenka fallaagada TPLF Getachew Reda maalintii Isniinta wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray in dowladda dhexe ee Itoobiya ay ciidamo tira badan soo dhoobtay xadka Tigraay.

“Xilli kasta wuu burburi karaa heshiiska xabbad joojinta oo gargaarka bani’aadannimada looga gol lahaa, haddii TPLF dagaal lagu soo qaadana waxay ciidamadeedu diyaar u yihiin iney weerar kasta iska caabbiyaan,” ayuu yiri Getachew Reda, Afhayeenka fallaagada TPLF.

Dhanka kale Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda Federaaka wuxuu sheegay in fallaagada TPLF ay dagaal ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka Amxaarada.

“Haddii ay fallaagada TPLF daandaansiga ay sii waddo dowladda waxay ku qasbanaaneysaa iney qaaddo tallaaba kasta oo damaca fallaagada ay uga hortageyso isl-markaana fallaagada ku qasbaya iney wadaxaajood nabadeed u soo laabtaan,” ayey tiri dowladda Itoobiya.

Xukumadda waxaa kale oo ay sheegtay dagaalka Tigraay inuu markale qarxo ay uga wacan tahay fallaagada oo in mudda ah diyaargarow dagaal sameyneysay.

Eedda labada dhinac ay isu jeedinayaan ayaa muujineyso inuu dagaal hor leh uu ka qarxay xadka Gobolka Tigray.


Like it? Share with your friends!