Maxay xasaradaha siyaasadeed ee taagan u abuureen walaac ku saabsan xasiloonida Somaliland?


Spread the love

9 Saacadood ka horLabada xisbi ee mucaaradka ah ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 13-kii November aanay u aqoonsanayn madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kuwo sharci ku fadhiya xafiiska oo haysta kalsoonidii shacabka.Madaxweyne Biixi waxaa la doortay bishii November ee sanadkii 2017-da, taasi oo micnaheedu yahay in muddo xileedkiisii shanto sano ahaa uu dhamaaday. Balse golaha guurtida ayaa dhawaan sheegay in u diyaar garowga doorashada uu qaadan doono muddo labo sano ah,iyagoo taa ka  ka duulaya ayay sidaas Muuse biixi u kordhiyeen waqtiga uu sii haynayo xilka.”Maanta laga billaabo Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu uma aqoonsanin kuwo sharci ku fadhiya, Muuse waxa aanu u aqoonsannahay Madaxweynihii xilku ka dhammaaday, Madaxweyne aan haysan kalsoonida shacbiga” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ah musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani.Doorashada sanadkan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu dhammaanayo tobanka sano ee ay xilka hayeen xisbiyada siyaasadda. Biixi iyo xisbigiisa Kulmiye waxay ku adkaysanayaan in aan doorashada la qaban karin ka hor inta aan la soo gabagabeyn xulista xisbiyada.Sida ku cad doodda xukuumaddu, waxa uu sharcigu dhigayaa in lixda bilood ee ugu dambeeysa ee 10-ka sanno ee xisbiyadu furmi doonaan tartanka ururada siyaasadda, isla markaana saddex xisbi la dooran doono tobanka sannadood ee soo socda.Falcelinta ka dhalatay?Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo go’aankaa mucaaradka ka falceliyey ayaa dhaliilay xisbiyada kuna tilmaamay in ujeedadoodu tahay in “aanay dalka dawladi ka jirin”.Qaar ka mid beesha caalamka ayaa iyaguna ugu baaqay dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadka in miiska wadahadalka ku noqdaan, iyaga oo dhanka kalena muddooyinkii ugu danbeeyey ku dirqiyey in heshiiyaan.Toddobaad ka hor ayay ahayd markii Midawga Yurub ay soo saareen warsaxaafadeed kaddib kulan dhanka Internetka ah oo ay la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ay ku sheegeen walaaca ay qabaan.”Waddamada caalamiga ee xidhiidhka Iskaashi la leh Somaliland (oo kala ah Belgium, Canada, Midawga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka) waxa ay kala hadleen doorashooyinka soo socda Madaxwayne Biixi oo ay khadka kula hadleen maanta. “Waxa ay la wadaageen walaaaca ay ka qabaan wada hadal la’aanta ka dhaxaysa daneeyayaasha siyaasadeed ee muhiimka ah, iyaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in laga gaadho is faham khariiradda doorashooyinka lagu qabanayo, iyo muhiimadda ay leedahay xorriyaddda” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkaas oo ay soo saareen toddobaadkii hore badhtankiisii.Halkee xaal ku danbayn karaa?Xigashada Sawirka, Madaxtooyada SomalilandBilihii u danbeeyey guud ahaan Somaliland waxaa sii xooggaysanayey muranka ka taagan xilliga doorashada iyo nooca doorashada ee qabsoomaysa. Muxaafadka ayaa u muuqda in ay u janjeedhaan dhanka doorashada ururrada, taas oo ay maalmihii u danbeeyey socdeen ololalaha ay ku kala hadhayeen ururrada raba in ay u digo rogtaan xisbiyo qaran. Ismaandhaafyadaas ayaa keenay in muddaharaaddo ka dhaceen gudaha meelo ka mid ah Somaliland. Waxaana dhanka kale muddaba socday dhincayo kala duwan oo isu dirayey in ay dhexdhexaadiyaan muranka u dhaxeeyey labada dhinac kuwaas oo dhammaantood ku soo dhammaaday natiijo la’aan.Dadaallada dhexdhexaadinta ee udhaxeyay xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.”Muranka siyaasadeed ee Somaliland ayaa ku sii siqaya in uu faraha ka baxo, hase yeeshee waxa la joogaa wakhti lagaga baaqsan karo xaaladii ugu xumayd. Tallaabo degdeg ah oo ay qaadaan saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagama maarmaan u ah in lagu qanciyo hawl-wadeennada gudaha si ay u ilaaliyaan dhaqanka siyaasadeed eeku dhisan is-afgaradka, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen xal hal dhinac ah”, aa ay lagu sheegay qoraal ay soo baahiyeen haayadda xasaradaha ee ICRG.”Xasiloonida muhiimka ah ee Somaliland, oo ay xoojinayso horumarka dhabta ah ee siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu dalku ku tallaabsaday 30-kii sannadood ee u dambeeyay, ayaa laga yaabaa inay halis ku jirto,” ayay sii raacisay hay’adda.Dhinacyada ayaa loogu baaqay in ay ku soo laabtaan miiska wadahadlka si heshiis looga gaaro arrimaha la isku mari la’yahay.Ma cadda in beesha caalamka ay qaadan doonto doorka  dhexdhexaadinta.


Like it? Share with your friends!